Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Biden oo markiisa loo haysto Waraaqo sir Qaran ah oo laga helay Xaafiiskiisa gaarka ah
    Somalia

    Biden oo markiisa loo haysto Waraaqo sir Qaran ah oo laga helay Xaafiiskiisa gaarka ah

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 12, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xeer ilaaliyaha guud ee Dalka Maraykanka Merrick Garland,ayaa Khamiistii wuxuu magacaabay sarkaal baaris ku sameeya sida ay waraaqo sir ah oo Dowladdu leedahay loogu kaydiyey’ Xaafiiskii hore ee Madaxweyne Joe Biden uu ku lahaa Washington iyo weliba Xafiiskiisa kale ee ku yaalla Gobolka Delaware ee uu ka soo jeedo.

    Xeer ilaaliyaha Guud oo ah sarkaalka ugu sarreeya ee qaabilsan fulinta sharciga Maraykanka,ayaa u magacaabay dacwad-ooge Robert Hur, oo hore u ahaan jiray dacwad oogaha Dowladda Dhexe ee Gobolka Maryland, inuu hoggaamiyo baariitaanka lagu samaynayo waraaqaha sirta ah ee la helay.

    Go’aanka xeer ilaaliyaha guud,ayaa daba socday, isaga oo hore Qareen gaar ah oo lagu magacaabo Jack Smith u magacaabay in uu baaritaan kan la mid ah ku sameeyo Madaxweynihii hore ee Donald Trump.

    Donald Trump,ayaa hore ugu guuldaraystay inuu xafiiska diiwaanka Qaranka dib ugu soo celiyo waraaqo sir ahaa oo xasaasi ahaa, sida uu dhigayo sharciga Maraykanku, ka dib markii uu xilka ka tegey, hase ahaatee waraaqahaas,ayaa markii dambe waxay FBI-du ka soo qaadeen Gurigiisa Raaxada ee ku yaalla Gobolka Florida.

    Garland,ayaa u sheegay saxaafadda in magcaabista Robert Hur, in ay hoosta ka xariiqayso sida ay hay’addiisa uga go’an tahay madaxbanaanida iyo isla xisaabtanka, gaar ahaan xaaladaha gaarka ah.

    Qaar ka mid ah xubnaha Xisbiga Jamhuuriga ayaa ugu baaqay Xeerilaaliyaha Guud in uu magacaabo lataliye gaar ah oo baaris ku sameeya Madaxweynaha Dimuqraadiga.

    Afhayeenka cusub ee Aqalka Congress-ka Kevin McCarthy, oo shir jaraa’id ku qabtay Aqalka Capitol ee dalka Mareykanka, ayaa yidhi,waxay ila tahay in Congress-ku uu arrintan baariitaan ku sameeyo, uma maleynayo in Qof Mareykan ah uu aaminsan yahay in cadaaladdu aysan ahayn mid loo siman yahay.”

    Qareenka gaarka ah, Robert Hur oo 49 jir ah, wuxuu yeelan doonaa madax-bannaani ka badan xeer-ilaaliyaha federaalka ee caadiga ah si uu u baaro, sida Biden u maareeyay Dukumeentiyada sirta ah, markii uu ka tagay xilka Madaxweyne ku-xigeenka, horraantii sannadkii 2017, laakiin ugu danbeyntii wuxuu warbixintiisa ku celin doonaa Garland.

    Laba nooc oo waraaqo sir ah oo lala xiriirinayo Madaxweyne Biden,ayaa laga helay Xaafiisyadii uu lahaa ee ku kala yaalay Washington iyo Delaware.

    Qareennada gaarka ah ee Biden,ayaa isla markiiba waxay dhammaan ku wareejiyeen waraaqahan sirta ah xafiiska diiwaanka iyo Kaydka Qaranka, kaas oo ka mas’uul ah ka ah kaydinta iyo ilaalinta diiwaannada Madaxweynaha.

    VOA.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Canshuuraha Labada heer Ee Dowlada Puntland oo lakala qeexay

    March 26, 2026

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    March 25, 2026

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Canshuuraha Labada heer Ee Dowlada Puntland oo lakala qeexay

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.