Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Biden oo Vladimir Putin ku tilmaamay ‘dambiile dagaal’
    Somalia

    Biden oo Vladimir Putin ku tilmaamay ‘dambiile dagaal’

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 17, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Arbacadii ka jawaabay codsigii Ukraine, kadib markii uu saxiixay $800 milyan oo gargaar ah oo ay ku jiraan noocyo kala duwan oo hub iyo qalabka difaaca ah, taas oo dhaca kale ka hooseysa codsigii Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ee ahaa in hawada Ukraine laga dhigo aagga duulimaadka ka caaggan.

    Laakiin Biden, wuxuu sidoo kale kor u qaaday heerkulka dagaalka afka ah ee u dhexeeya isaga iyo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

    “Waxaan u maleynayaa inuu yahay dambiile dagaal,” ayuu yiri Biden, oo la hadlayay suxufiyiinta munaasabad ka dhacday Aqalka Cad.

    Afhayeenka Ruushka Dmitry Peskov ayaa isaga oo ka jawaabayay hadalka Biden u sheegay wakaaladda wararka ee TASS in hadalka Biden inuu yahay “mid aan la aqbali karin oo aan la cafin karin.”

    Xoghayaha warfaafinta Aqalka Cad Jen Psaki ayaa, markii faahfaahinta hadalka Biden la weydiiyay tiri “Wuxuu ka hadlayay qalbigiisa oo wuxuu ka hadlayay waxaad ka daawateen talefishinnada, taas oo ah falal wuxuushnimo ah oo kaligii taliye naxariis daran uu ku soo duulay dal shisheeye.”

    Putin ayaa saddex toddobaad kahor billaabay duullaankii Ukraine. Ciidamadiisu waxay garaaceen isbitaallo, dugsiyo iyo guryo, waxaana madaxweynaha Ukriane Zelenskyy uu sheegay in ilaa 100 caruur ah lagu dilay weerarkaas oo ahaa mid ballaaran.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.