Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Booliska PL oo Gacanta ku dhigay Tiro Burcad Badeed ah
    Puntland

    Booliska PL oo Gacanta ku dhigay Tiro Burcad Badeed ah

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 18, 2024Updated:June 18, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Howlgalka lagu qabtay Ninkan,ayaa ka dhacay Xaafada Israac ee Magaalada Gaalkacyo,sida uxaqiijiyay Talyaha Booliska Gobolka Mudug ee Puntland.

    Talyaha,ayaa sheegay in xog ay ka hayeen ay u sahashay in ay ku bartilmaameedsadeen Ninkaan xilli uu ku sugnaa goob ku taal Waqooyiga Gaalkacyo.

    “Ninkan wuxuu ahaa hogaamiyihii kooxdii Burcad Baddeeda ahayd ee sii daysay Markabkii MV Abdullah”Ayuu yiri Talye Maxamuud Cabdixakiin.

    “Waan ognahay midkasta oo ka mid ahaa halka iyo howsha uu u xilsaarnaa Markabkii MV Abdullah.”Ayuu yiri G/sare Maxamuud oo ka jawaabayay sida ay ula socdaan xogta Kooxda Burcad Badeeda ah.

    Intii howlgalka qabashada Ninkaan uu socday wuxuu Taliyuhu sheegay in aysan jirin wax iska caabin ah oo ay Booliskiisu kala kulmeen qabashadiisa.

    “Wuxuu fadhiyey meherad lagu caweeyo, Ciidanka Boolisku waxay si taxadar leh u fuliyeen howlgalkaas oo laba dhinacba laga eegayey, mid in la qabto ninkaas mida kalana ahayd in maadaama meeshu ahayd meel dad badan ku sugnaayeen inaan waxyeelo ka dhalan, waana ku guulaysanayey labadaba”Ayuu intaas raaciyey Taliye Maxamuud.

    Puntland,ayaa tirada burcad baddeeda ee Markabkaas MV Abdullah, sii daysay ku sheegtay inay dhan yihiin ilaa Soddon Nin oo markii ay ka soo dageen Markabka ku kala firxaday deeganada Puntland.

    “Labaatan Bari ka hor waxaan qabanay nin kale oo kuwaas ka mid ahaa oo xiran kan ugu danbeeyeyna wuxuu noqonaya kii Labaad ee raggaas ka mid ah ee lagu qabto Gaalkacyo, marka Labo kalana waxaan ogahay in ay Nugaal ku xiran yihiin” ayuu yiri Talyaha Booliska G.Mudug ee Puntland G/sare Maxamuud Cabdixakiin Yuusuf.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.