Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Booliska Puntland oo dardargelin ku wada Shaqadiisa
    Puntland

    Booliska Puntland oo dardargelin ku wada Shaqadiisa

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 28, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland sareeyo guuto Mumin Abdi Shire ayaa shir gudoomiyey shirka saraakiisha booliska Gobalka Mudug oo looga hadlayey hormarinta amniga Gobalka iyo dardargalinta shaqooyinka horyaala.

    Shirka waxaa ka qayb-galay Taliyaha qaybta Booliska gobolka mudug G/sare Maxamud Abdixakiin Yusuf,taliyaha kuxigeenka hogaanka ilaalada canshuuraha G/Sare Ciise Axmed Maxamud,taliyaasha laamaha Gobalka,taliyaasha saldhigyada magaalada Galkacyo iyo saraakiisha Amniga booliska Gobalka.

    Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Mudug G/sare Maxamud Abdixakiin Yusuf ayaa warbixin guud kasiiyey ,taliyaha ciidanka booliska dowlada Puntland sareeyo guuto Muumin Abdi Shire shaqada Amniga gobalka iyo xaaladihii amni ee u danbeeyey,iyadoo hormar fiican laga sameeyey dhanka amniga iyo wadashaqaynta bulshada iyo booliska Gobalka.

    Taliyaha Ciidanka Booliska dowlada Puntland sareeyo guuto Muumin Abdi Shire ayaa ugu horeyn warbixin guud kasiiyey saraakiisha booliska Gobalka mudug qorshaha hormarineed,dhisme iyo tayeyneed ee lagu wado ciidanka booliska dowladda Puntland,taas oo ay muhiim tahay in ciidanka boolisku noqdo mid kuqalabaysan aqoon iyo xirfad.

    Ugu danbayn Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Puntland Sarreeye Guuto Mumin Abdi Shire ayaa saraakiisha Ciidan booliska Gobalka Mudug kubogaadiyey shaqada ay u hayaan bulshadda sidoo kalana faray iney labo jibaaraan shaqada ay u hayaan dalka,dadka iyo diintooda,lagana hortago kuwa cadowga ku ah nolasha dadka reer Puntland.

    Haddii aad heshid xog ku saabsan falal Amni daro ama aad arragtid wax aad ka shakisan tahay iyo wax walba oo la Xiriira dhaq-dhaqaaqa Amniga Puntland, isla markaana aad ku sugan tahay gudaha dalka.

    Fadlan, La soo xiriir Ciidanka Booliska Puntland oo #Wac 999 haddii aad ka warbixinayso dembi socda ama haddii ku jirto khatar degdeg ah 24/7

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.