Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Booliska Puntland oo soo bandhigay xashiis ay qabteen (VIDEO)
    Puntland

    Booliska Puntland oo soo bandhigay xashiis ay qabteen (VIDEO)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 14, 2020Updated:January 14, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ciidanka Booliska Dowladda Puntland ayaa magaalada Garoowe kusoo bandhigay duubab Xashiish ah oo laga helay gaari xamuul ah, oo laga qabtay Kantaroolka “Laac-dheere” ee Duleedka galbeed ee Caasimadda Puntland ee Garoowe.

    Xashiiskan oo gaarayay 12 xirmo, ayuu sheegay wadaha gaariga lagu qabtay oo lagu magacaabo ‘Maxamed Ismaaciil Seeraar’ in laga soo saaray magacaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, waxaana uu intaas ku daray in loogu sheegay inay yihiin juwaanada xashiiskan uu ku jiray tubaako caadi ah, uusana iska fiirin.

    https://www.facebook.com/826003914191316/videos/2627112977323999/
    Daawo Gaariga xasaashka lagu qabtay.

    Af-hayeenka Ciidanka Booliska Dowladda Puntland Cabdiwaaxid Cabdulle Warsame, oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in gaariga xashiiskan lagu qabtay iyo darawalkiisa ay u gudbin doonaan Maxkamadda, si loogu qaado wuxuu sharcigu ka qabo. 

    Sidoo kale, Af-hayeenka Ciidanka Booliska Puntland ayaa uga digay dadka ku howlan ka ganacsiga maandooriyaha, waxaana uu sheegay in Boolisku ku daba-joogaan, isagoonka ugu  baaqay darawalada Gaadiidka inay iska hubiyaan waxa ay soo qaadayaan, maadama ay dhici karto in mararka qaar lasoo saaro Qaraxyo.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    March 25, 2026

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    March 25, 2026

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.