Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Booliska Puntland oo talaabo ka qaaday Burcad Gaari dhacday
    Puntland

    Booliska Puntland oo talaabo ka qaaday Burcad Gaari dhacday

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 22, 2025No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garoowe, 22 Maarso 2025 โ€“ Ciidanka Booliska Puntland ayaa maanta hawlgal qorsheysan ku qabtay gaari bas ah oo horay looga dhacay Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Dawladda, kaas oo ay si sharci-darro ah u dhaceen maleeshiyaad isku ekeeysiiyay ciidanka amniga, kuwaa oo horay loo oran jiray PSF.

    Gaarigan, oo la doonayey in si dhuumaaleysi ah loogu iibiyo Koonfurta Gaalkacyo, ayaa lagu qabtay Koontaroolka Bari ee Garoowe, iyada oo ay ilaalinayey gaari kale oo dabley saarneyd. Markii ay ciidanka amniga isku dayeen in ay gaadiidka joojiyaan, dableydii wadatay ayaa si ula kac ah rasaas ugu furtay ciidanka, taasoo sababtay dhimasho iyo dhaawac.

    Ciidanka Booliska Puntland, oo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah ee sugidda amniga iyo ilaalinta sharciga, ayaa si degdeg ah u jawaabay, iyagoo gacanta ku dhigay labada gaari iyo shaqsiyaadkii ku lugta lahaa falkan gurracan.

    Baaritaan rasmi ah ayaa socda, waxaana dhammaan eedeysanayaasha la hor geyn doonaa sharciga. Booliska Puntland waxay bulshada u caddeynayaan in aysan jiri doonin cid ka sarreysa sharciga, cid kasta oo isku dayda in ay carqaladeyso amniga shacabka ama ay ku takri-fasho awoodda dowladda, si kastaba ha isku qarisatee, lala xisaabtami doono.

    Marka baaritaanku dhammaado, Boolisku waxay dadweynaha u soo bandhigi doonaan faahfaahinta dhabta ah ee kiiskan, si ay caddaaladdu u noqoto mid muuqata. Dowladda Puntland waxay mar kale ku adkeynaysaa goโ€™aankeeda ah in aan la aqbali doonin kooxo hubeysan oo isku daya in ay dhibaato ku hayaan nidaamka iyo kala dambeynta.

    Fadlan, La soo xiriir Ciidanka Booliska Puntland oo #Wac 999 haddii aad ka warbixinayso dembi socda ama haddii ku jirto khatar degdeg ah 24/7

    โ€” DHAMMAAD โ€”

    Wixii Faahfaahin dheeraad ah kala Xiriir:

    Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta
    Ciidanka Booliska Puntland.
    Twitter: https://x.com/Plpoliceforce
    Website: www.police.pl.so
    Email: media@police.pl.so

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    October 19, 2025

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    October 19, 2025

    Xuutiyiinta Yemen oo weeraray Markab ku wajahan Dekeda Jabuti

    October 18, 2025
    Latest Posts

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Xuutiyiinta Yemen oo weeraray Markab ku wajahan Dekeda Jabuti

    Maxay kala yihiin kaydadka dabiiciga ah Ee PL ka samayn karto dhaqaale xoog badan?

    Maxay ahaayeen Qodobadii looga wada hadlay kulankii Itoobiya iyo SL?

    Maraykanka oo udiiday Ukrain Gantaalada Tomahawk

    Heshiiskii Niyukleerka Ee Iran iyo quwadaha oo dhamaaday

    ๐€๐ฎ๐ฌ๐ญ๐ซ๐š๐ฅ๐ข๐š ๐ฌ๐ก๐ž๐ž๐ฉ-๐ž๐ฑ๐ฉ๐จ๐ซ๐ญ ๐›๐š๐ง ๐ก๐ž๐ฅ๐ฉ๐ฌ ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐š ๐ฐ๐ข๐ง $๐Ÿ ๐›๐ข๐ฅ๐ฅ๐ข๐จ๐ง ๐จ๐Ÿ ๐ฌ๐š๐ฅ๐ž๐ฌ

    Faallo:-Fudaydka Siyaasada dibada Ee Xasan iyo saamaynta loolanka quwadaha caalamka

    Sidee PL uga faa’idaysan kartaa Kalluunka ay hodanka ku tahay?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.