Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Booliska Somaliland oo xabsiga dhigay 9 Nin oo u dhashay Imaaraadka+Sawirro
    Puntland

    Booliska Somaliland oo xabsiga dhigay 9 Nin oo u dhashay Imaaraadka+Sawirro

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 26, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ciidanka Booliska Maamulka Somaliland ayaa xabsiga Magaalada Hargeysa dhigay 9 Nin oo Ajaanib ah una dhalatay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, kuwaas oo la sheegay inay ahaayeen ugaarsato.

    Raggaan ayaa laga qabtay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Hargeysa ee Cigaal,xilli ay ku wajahnaayeen Dalka Imaaraadka, waxaana Saraakiil katirsan Ciidanka Booliska Somaliland ay sheegeen in raggaan u dhashay Imaaraadka Carabta ay si sharci darro ah uga ugaar sanayeen deegaannada Somaliland.

    Agaasimaha Duur joogta ee Wasaaradda Deegaanka Somaliland Naasir Xuseen ayaa Warbaahinta u xaqiijiyey xariga Sagaalka Nin ee u dhashay wadanka Imaaraadka Carabta, isagoona sheegay in si sharci darro ah uga ugaarsanayey deegaano ka tirsan Somaliland, lana marsiin doono sharciga.

    Wararka ayaa intaas ku daraya in raggaan la qabtay ay maalmihii la soo dhaafay ku sugnaayeen deegaan lagu Magacaabo Sabo-wanaag oo ka tirsan Gobolka maroodi-jeex ee Somaliland oo ay sheegeen inay mashaariic ka fulinayaan, hayeeshee dadweynaha deegaankaas ay sheegeen inay wadeen howlo ugaarsi ah,sidaasina lagu xiray.

    Somaliland ayaa horay deegaannadeeda uga erisay Kalluumeysato iyo Shaqaalo Ajnabi ah, kuwaas oo ay sheegeen in si sharci darro ah ay ku joogeen deegaannada Soomaaliland, iyaga oo sidoo kale ku amray Ajaanibta ku sugan inay isa-soo diiwaan geliyaan.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    March 25, 2026

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    March 25, 2026

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.