Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ku baaqay in Myanmar ay joojiso gumaadka Qawmiyada islaamka ah ee Rohinga
    Somalia

    Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ku baaqay in Myanmar ay joojiso gumaadka Qawmiyada islaamka ah ee Rohinga

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 13, 2017No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Boqorka qabiilka carbeed ee soomaaliya ee daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo gumaadka ay geysanayaan buudiyiinta wadanka Manymar ee lagu hayo muslimiinta rohinga ee dalkaas wuxuuna ku baaqay in loo sameeyo goobo ay ku nabad galaan midda kale wuxuu boqorku ka codsaday xukuumadda soomaaliya inay gacan u fidiyaan walaalohooda dhibaataysan una furan albaabada soomaaliya.
     
    Boqor burhaan wuxuu bayaankiisa oo soo baxay maanta oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Arkan ku sheegay sida uu uga welwelsan yahay dhibaatada lagu hayo muslimiinta Rohinga iyo sida ay xukuumada mayanmaar u taageereyso iyo sida ay aduunyadu uga aamusan tahay wuxuuna weydiistay dawladda soomaaliya inay dhabarka u ridato qadiyada shacabkaan oo ay gaarsiiso dhammaan ururrada adduunka ayna difaacdo xuquuqdooda wuxuu kaloo ka codsaday soomaaliya inay xerya lagu soo dhaweeyo shacabkaas ka furto soomaaliya una sahasho in la siiyo jinsiyadda soomaaliyeed si ay u sahalanaato dhaqdhaqaaqoodu ayna usoo ceshadaan karaamadooda.
     
    Boqorka ayaa sheegay inay tahay waxa ugu yar oo aan u qaban karno walaaleheena dhibaataysan maxaa yeelay buu yiri boqorku waxaa shacabkaas lagu hayaa dhibaato tii ugu foosha xumayd oo insaanku abid la kulmo,waxayna dhibtaas ku mutaysteen diintooda islaamka ah waxaana hada nagu waajiba inaan garab siino una gargaarno , wuxuu kaloo boqor muuse ka codsaday muslimiinta dhammaantood haday noqoto xukuumadaha iyo ururada bulshadaba in si degdeg ah loogu gurmado badbaadinta shacabkaas ayna muujiyaan siday u diidan yihiin jariimadaan wuxuuna kaloo codsaday boqorku in si dhakhsa ah dhammaan xiriirka noocuu yahayba loogu jaro mayanmaar haddii aanay ka waantoobiin xasuuqaan lagu hayo shacabka Rohinga wuxuu kaloo boqorku si weyn u qiimeeyay Dadaalka Boqortooyada Carbeed ee Sucuudiga iyo madax weynaha turkiga Rajab Ardogan iyo xaaskiisa ka geysanayaan samata bixinta shacabkaan wuxuuna is weydiiyay muslimiinta intoodii kale asaga oo ka codsaday inaan loo kala harin gurmadkaan lagu badbaadinayo shacabkaan maxaa yeelay arrintaani waxay hiillo iyo hilba dirir la garab istaagaysaa shacabkaan .
     
    Dhinaca Kale boqorku wuxuu ka codsaday dhamaan qaybaha uu ka kooban yahay qabiilka daarood inay abuuraan sanduuq loogu gurmanayo shacabkaan maxaa yeelay wuxuu door ka qaadanayaa dhimidda dhibaatada shacabkaan lasoo daristay wuxuuna u wafarayaa shacabkaan oo aan haysan waxba barnaamij quudin ah maxaa yeelay waa shacab meela kala duwan ku filiqsan.
     
    Dhinka kale Waziiru dowlaha war faafinta ee Puntland Cabdul fataax Nuur Axmed oo ah nin ka tirsan isla qabiilka daarood wuxuu cadeeyay sida ay uga go,antahay inay soo gudbiyaan ku dhawaaqidda qadiyadda shacabkaan iyo sidii shacabka soomaaliyeed loo bari lahaa asaga oo markaas booqday wakaaladda wararka ee Arakaan wuxuuna mar sii horraysay la kulmay hoggaamiyayaasha mujtamaca Roohinga iyo warfidiyeen.
     
    Haddaan dib ugu noqonno qabiilata Daarood waa qabiil ku fidsan dhammaan gayiga geeska afrika waxayna awood ballaaran ku leeyihiin (( Ogaadeenya iyo NFD) iyo Jibbuuti waxay kaloo awood shacab iyo Mid dhuleedba dhammaan gobollada soomaaliya ha ugu bataan gobolada Puntland iyo Jubba land,waana qabiil asal ahaan ka soo jeeda Jaziiradda Carbeed waxayna xiriir dhiig iyo dhaqan la wadaagaan Qabiilka Mahra ee dega Yemen iyo Cummaan iyo sucuudiga.
     
    Boqor Burhaan oo ah Boqorka hadda talada haya waa Boqorkii 34aad ee Boqortooyada Qabiilka Daarood .
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    October 21, 2025

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    October 21, 2025

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    October 21, 2025
    Latest Posts

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Xuutiyiinta Yemen oo weeraray Markab ku wajahan Dekeda Jabuti

    Maxay kala yihiin kaydadka dabiiciga ah Ee PL ka samayn karto dhaqaale xoog badan?

    Maxay ahaayeen Qodobadii looga wada hadlay kulankii Itoobiya iyo SL?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.