Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Brasil waxaa ka jirta xalad deg deg ah!!
    Somalia

    Brasil waxaa ka jirta xalad deg deg ah!!

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 27, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    A greve de caminhoneiros do Brasil)-

    Brasil waxaa ka jirta xalad deg deg ah.
    Lagasoo bilaabo maalintii khamiista waxaa shaqo joojin ku jira Gaadiidka Xamuulka ee Dalka Brasil.

    Waxaa istagay dhammaan Baaburta xamuulka ee, u kala gooshta Waddanka gudihiisa, tani waxay ka dembeysay kadib markii qiimaha (Naafatadu) qaaliyoobay, ama kor u kac uu ku yimid.

    Waxa kor u kac ku yimid Qiimaha Shidaalka waxeyna saamyn xoggan kuyeelatay dhammaan isu socdkii Dalka xitaa waxay saamayn ku yeelatay Safaradii Duulimaadyadda dibadda u safari jiray kadib markii Garoomadda Caalamiga ee Brazil ay gartay kor u kaca Shidaalka.

    Waxaa shaqo joojin sameyey Darawaliinta Baabuurta Xamuulka waxeyna saamayn weyn ku yeelatay isu socodka Dadweyna.

    Waxaa dhammaan la xiray inta badan Bosteejooyinka waweyn ee Gaadiidu ka baxo soona galo tan iyo maalintii Khamiista ee 24/ 05 /2018.

    Madaxweynaha Dalka Brasil Ninka lagu magacaabo Michel Temer ayaa Jimcihii amar ku bixiyey in Ciidanka Qaranku ay furan Waddooyinka ay xiren Gadiidleydu, Ciidamo lagu magacaabo polรญcia federal iyo Policia Rodoviรกro, iyo Wasaaradda difaaca ayaa amar lagu siiyey inay gacan ka geystan sidii loo furi lahaa Waddooyinka lagu xiray Baabuurta Xamuulka, welise laguma guuleysan.

    Waxaa sidookale qaaliyoobay Mucaashada kadib markii Baabuurtu keeni wayeen Adeegyaduu looga bahna suuqyada sida maalin laha looga adeegan jiray, waxaa gabi ahaanba gabaabis galay Gaaska lagu isticmaalo Guryaha:

    Dawlad Gobolleedyada qeybtood ayaa waxaa aad u kacay Qiimaha Badeecooyinka qutul daruuriga sida Caanaha, Ukunta, Gaaska, IWM.

    Waxaa jira shirar is damba joga oo ay leeyihiin Dawladda iyo Ururadda shaqaalaha siiba Gaadiidleyda welise wax natiijo ah lagama gaarin.

    Wadayaasha Gaadiidka Xamuulka ayaa wacad ku maray inay sii wadi doonaan shaqo joojinta inta Qiimaha Shidaalku qaaliyahay, sidookale waxaa aad qiimo kac igu yimid Lacagta Doolarka.

    Shaqo joojintu waxay saamayn ku yeelatay Warshadaha waweyn ee sida maalinlaha wax usoo saari jiray, Iskuuladdii iyo Dukaamaddii waweyna.

    Kaalimaha Shidaalka lagu iibsho waxaa safaf dhaadheer ugu jira Gadiidka yaryarka iyo Mootooyinka, inta badan waxaa laxiray Kaalimaha Shidaalka Iibsha.

    Meelaha qarkood waxaa si tel-tela loo furay waddooyin loogu tala galay inay Maran Baabuurta Gurmadka deg dega ee loo yaqaan (ABBALAASTA).

    Waxay kala oo saamayn weyn ku yaalatay Garoomadda Maxaliga ee ay maamulan Dawlad Gobolleedyadu ilaa 11, Garoono ayaa joojiyey duulimaadyo Dalka gudihiisa.

    Goob joge
    Cabdinuur Faarax M.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    October 25, 2025
    Latest Posts

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.