Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Burcad Internet-ka ah oo mudo kooban la wareegtay Tv-ga Ruushka
    Somalia

    Burcad Internet-ka ah oo mudo kooban la wareegtay Tv-ga Ruushka

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 21, 2022No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Koox aan magacooda la aqoon ayaa Ruushka la beegsaneysaa weerarada Internet-ka tan iyo markii uu duulaanka ku qaaday Ukraine, waxay kooxdan ku dhawaaqeen weerar dhanka Internet-ka ah oo lagu bartilmaameedsanayo madaxweyne Putin si ay uga aargoostaan ​​duullaankii Ukraine.

    Dhawr qof oo ku howlan dagaalkan ayaa BBC-da uga warramay ujeeddooyinkooda, xeeladahooda iyo qorshahooda ku aadan weeraradaas.

    Dhammaan weeraradii internetka ee la qaaday tan iyo markii uu bilaabmay dagaalka Ukraine, waxaa soo if baxay in burcad aan la gareynin ay weerar dhanka Internet-ka ah ku qaadeen teleefishiin laga leeyahay Ruushka.

    Markii la jabsaday teleefishinka waxaa laga soo duubay muuqaal gaaban oo muujinaya barnaamijyadii caadiga ahaa oo la hakiyay, waxaana lagu baddalay muuqaallada bambaanooyinka ku qarxay Ukraine iyo askar ka hadlaysa argagaxa colaadda.

    Muuqaalkaas ayaa baahay 26-dii bishii Febraayo kaas oo bogag aan la aqoon oo ay ku xiran yihiin malaayiin qof ay ku baahiyeen baraha bulshada, waxay baahiyeen, Teleefishinkii dowladda Ruushka waxaa jabsatay koox aan la aqoon si loo baahiyo xaqiiqada dhabta ah ee Ukraine.

    Waxaana muuqaalkan ka muuqday dhammaan astaamaha lagu garto weerarada Internet-ka, wuxuu ahaa mid saameyn leh oo fudud in lagu wadaago Online-ka, Sida qaar badan oo ka mid ah weerarrada kale ee kooxda ayaa aad u adkeyd in la xaqiijiyo.

    Laakiin mid ka mid ah kooxaha yaryar ee aan heybtooda la aqoon ee dhaca geystay ayaa sheegay in ay iyagu mas’uul ka ahaayeen, oo ay la wareegeen adeegyada TV-ga muddo 12 daqiiqo ah.

    Qofkii ugu horreeya ee soo bandhigay muuqaalka ayaa xaqiijiyay muuqaalka.

    Eliza waxay ku nooshahay Maraykanka laakiin aabaheed wuxuu kasoo jeedaa Ruushka, wuxuu wacay gabadhadiisa markii laga joojiyay barnaamijkii uu ka daawanayay teleefishinka “Aabahay ayaa isoo wacay markii ay arrinta dhacday, wuxuuna igu yiri “waxay soo bandhigeen runta!” Markaa waan duubay, waxaanan soo galiyay muuqaalka online-ka, wuxuu igu yiri aabahay, qof aan saaxibo nahay ayaa sidoo kale arkay muuqaalka.

    Rostelecom, oo ah shirkadda Ruushka ee maamusha adeegyada Internet-ka ee la jabsado ayaanan wax jawaab ka bixin arrintan.

    Kooxaha jabsaday ayaa sabab uga dhigay ficiladooda iyagoo sheegay in dadka reer Ukraine ee aan waxba galabsan la xasuuqayo. “Waxaan sii xoojin doonnaa weerarrada ka dhanka ah Kremlin-ka, haddii aan wax laga qaban si loo soo celiyo nabadda Ukraine,” ayay raaciyeen.

    Burcaddan oo aan heybtooda la aqoon ayaa sidoo kale hawada ka saaray Website-yo laga leeyahay Ruushka isla markaana waxay xadeen xogta dowladda, Lisa Forte oo kamid ah dadka iska leh shirkadda amniga internetka ee Red Goat ayaa sheegtay in inta badan weerarradan ay ilaa hadda yihiin “kuwa aasaasi ah”.

    “Waa arrin hal abuur ah in la jabsado teleefishinka, waxaana u malaynayaa inay adag tahay in hawada laga saaro” ayay tiri Lisa Forte.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    October 26, 2025

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025
    Latest Posts

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.