Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Caalamka oo laga codsaday in ay cunaqabatayn Hub iyo xayiraado kale lagu soo rogo Itoobiya
    Somalia

    Caalamka oo laga codsaday in ay cunaqabatayn Hub iyo xayiraado kale lagu soo rogo Itoobiya

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 20, 2022No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa Arbacadii ku baaqday in cunaqabateyn dhinaca hubka ah iyo xayiraadyo lagu soo rogo shakhsiyaadka ku lugta leh dagaalka Itoobiya, si tallaabooyinkaas ay gacan uga geystaan ilaalinta dadka rayidka ah, xilli dagaalka halista ah ee Itoobiya uu ku sii xoogaysanayo gobolka Tigrayga.

    Human Rights Watch waxay sheegtay in warbixinnada kasoo baxaya meelaha ay colaaduhu ka dhaceen ay ahaayeen kuwo “argagax leh.”

    “Weerarradu waxay sababeen khasaare aan lasoo koobi karin oo soo gaaray dad rayid ah, oo ay ku jiraan shaqaalaha gargaarka oo bixinayay cunnada, burbur hanti iyo barakac baahsan,” ayay tiri agaasimaha Geeska Africa ee Humah Rights Watch Laetitia Bader oo hadal kooban ka jeedisay xaaladda Itoobiya.

    “Keliya Eritrea oo xulufo la ah maahane waa in Ethiopia lagu soo rogo cunaqabatayn caalami ah, sababo la xiriira hab-dhaqankeeda colaadeed. Mareykanka iyo Midowga Yurub, iyo sidoo kale Golaha Ammaanka, waa inay adeegsadaan tallaabooyin ku habboon, oo ay ku jiraan cunaqabateynta la beegsanayo shakhsiyaadka ku lugta leh dagaalka iyo cunaqabateyn dhinaca hubka ah, si loo ilaaliyo rayidka halista ku jira,” ayay tiri Bader.

    Talaadadii, Addis Ababa ayaa sheegtay inay qabsatay saddex magaalo oo ku yaalla gobolka waqooyi, halkaas oo ay dagaallo ku dhex marayeen xoogagga dowladda taageersan iyo TPLF tan iyo bishii Ogoosto kadib markii ay burburay xabbad-joojin hore loo gaaray.

    Walaaca caalamiga ah ee laga qabo dadka ku dhintay dagaalka ayaa isa soo taraya, iyadoo Qaramada Midoobay ay ku tilmaantay xaaladda mid faraha ka baxday oo sababtay khasaare badan oo soo gaaray dadka rayidka ah.

    Guddiga Badbaadinta Caalamiga ah ee International Rescue Committee ayaa sheegtay in mid ka mid ah shaqaalihiisa uu ka mid ahaa saddex qof oo rayid ah oo lagu dilay weerar Jimcihii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Shire oo ay ku nool yihiin 100,000 oo ay gacanta ku dhigeen ciidamada Itoobiya iyo kuwa Erigrea kadib duqeyn joogta ah.

    Goob-joogayaal ayaa sheegay in dad rayid ah ay waxyeello kasoo gaartay duqeymo dhanka cirka ah oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay magaaladaas.

    Dawladdu waxay sheegtay howlgalkoodii ugu dambeeyay inay ka fogaatay dagaal ka dhacay magaalooyinka, isla markaana ay baari doonto cid kasta oo ka mid ah dadka rayidka ah oo uu soo gaaray khasaare nafeed.

    Balse waxaa jirta cabsi isa soo tareysa oo laga qabo in dadka rayidka ah ee ku nool magaalooyinka iyo tuulooyinka ay dib ula wareegeen ciidamada dowladda taabacsan ay halis ugu jiraan in ay geystaan falal dambiyo dagaal oo la mid ah kuwii dhacay biloowgii dagaalkan oo socda ku dhawaadd laba sano.

    APF.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.