Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Cabsi laga qabo Ruushku in uu jaro Gaaska uu siiyo Yurub xiliga Qaboobaha
    Somalia

    Cabsi laga qabo Ruushku in uu jaro Gaaska uu siiyo Yurub xiliga Qaboobaha

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 23, 2022No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxa hay’adda tamarta Adduunka,ayaa ka digay suurtagalnimada in xilliyada qaboobaha Ruushka laga yaabo in uu joojiyo gaaska uu siiyo waddamada reer Yurub.

    Fatih Birol ayaa sheegay in uusan rumeysnayn in ay dhici karto in Ruushku uu gebi ahaanba jaro gaaska uu siiyo reer Yurub, balse Yurub ay u baahan tahay in ay ka shaqeyso qorsheyaal deg deg ah oo ay uga maarmi karto gaaska Ruushka.

    Toddobaadyadii la soo dhaafay ayaa dhowr waddan oo reer Yurub ah waxa ay sheegeen in Ruushka ay ka heleen gaas aad uga yar intii ay ka heli jireen.

    Saraakiisha Ruushku ayaa beeniyeen in arrintaasi ay tahay mid loo bareeray, waxa ayna arrintaa u aaneeyeen arrimo farsamo.

    Ka hor duulaanka Ruushka uu ku qaaday dalka Ukraine, qaaradda Yurub waxay Ruushka ka soo dhoofsan jirtay ilaa 40% gaaska dabiiciga ah, balse tiradaasi ayaa hadda hoos u dhacday oo gaartay ilaa 20%.

    Madaxa hay’adda tamarta adduunka, Fatih Birol, waxa uu sheegay in uu rumaysan yahay in dhimistii dhawaan Ruushku uu ku sameeyay gaaska uu u dhaafin jiray Yurub ay tahay “istaraatijiyad”. Hoos u dhacaasi ayaa sababay in waddamada Yurub ay ku adkaato in ay buuxiyaan keydadka gaaskooga, waxa ayna sidoo kale muujineysaa sida aysan ugu maarmin gaaska Ruushka.

    “Marnaba meesha ka saari mayno in Ruushku uu sii wadayo in uu marmarsiiyo u raadiyo hoos u dhacaya gaaska uu u dhoofiyo qaaradda Yurub iyo xitaa in uu jaro gabi ahaanba,” ayuu yiri Birol oo la hadlay BBC-da.

    Usbuucii la soo dhaafay ayaa gaaska dabiiciga ahi ee soo maraya dhuumaha Nord Stream 1 ee ka midka ah dhuumaha gaaska Ruushka kuwa ugu muhiimsan ee taga qaaradda Yurub, waxaana lagu qiyaasay 40% ka mid ah gaaskii la soo marsiin jiray dhuumahaasi. Inta badan khubarada ayaa ka shakisan sharaxaadda Ruushka ee ah in arrintani ay ka dhalatay “arrimo farsamo”.

    Guud ahaan Yurub, waxaa laga soo sheegayaa hoos u dhac ku yimid gaaskii qaaradda uga imaanayay dhanka Ruushka, waxaana Jimcihii dhawayd ay shirkadda Eni ee Talyaaniga ay sheegtay in ay heshay kala bar gaaskii ay ka heli jirtay shirkadda gaaska ee ay maamusho dawladda Ruushka ee Gazprom, halka Slovakia iyo Awstariya ay iyaguna sheegeen in uu hoos u dhacday xaddiga gaaskii ay heli jireen.

    Dalka Faransiiska ayaa sheegaya in uusan wax gaas ah dhanka Jarmalka ka helin tan iyo 15-kii bishan, halka Poland, Bulgaria, Finland, Denmark iyo Netherlands ay hakiyeen gaaskii Ruushka uga imaan jiray kaddib markii ay diideen dalabka Ruushka ee ah in ay gaaska kaga iibsadaan lacagta dalkiisa ee Rubles-ka.

    Bishii la soo dhaafay ayaa waddamada reer Yurub waxay isku raaceen in ay isku dayaan in ay ka gaashaantaan isbed-beddelka qiimaha gaaska, iyaga oo buuxsanaya keydkooga gaaska. Waxay si wadajir ah u go’ansadeen in meesha lagu gaaro bisha Nofeembar ay keydsadaan ugu yaraan 80% gaaska ay u baahan yihiin, waxaana xogtii ugu dambeysay ay sheegeysaa in ay haatan keydsadeen ku dhawaad 55% gaaska ay u baahan yihiin.

    Birol waxa uu sheegay in sababo la xiriira dhibaatada gaasta ee haatan socota ay tahay in la qaado tallaabooyin deg deg ah si loo yareeyo baahida gaaska Ruushka, sida in la kordhiyo isticmaalka tamarta dhuxusha, iyo in la kordhiyo muddada ay shaqeynayaan wershadaha dhaliya tamarta niyuukleerka.

    Waxa uu intaa ku daray in loo baahan yahay tallaabooyin deg deg ah haddii ay dhacdo in Ruushku uu gebi ahaanba jaro gaaska uu u dhoofiyo waddamada reer Yurub.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    October 25, 2025
    Latest Posts

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.