Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Cali Xarbi: “Xildhibaanka aan dilay ee Sir David Amess waxa uu dhibaato ku ahaa Muslimiinta”
    Somalia

    Cali Xarbi: “Xildhibaanka aan dilay ee Sir David Amess waxa uu dhibaato ku ahaa Muslimiinta”

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 9, 2022No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Nin asal ahaan Soomaali ah oo loo haysto dilka xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka UK, Sir David Amess, ayaa ka hadlay waxa ku dhaliyay falkaas.

    Cali Xarbi Cali oo 26 jir ah ayaa sheegay inuu u dilay xildhibaanka sababo la xiriira inuu u codeeyay duqeynta Suuriya.

    Sir David Amess oo laga soo doortay deegaanka Southend West ayaa toori lagu dilay 15-kii October 2021.

    “Haddii ay ii muuqatay in falkaas uu khalad yahay, ma ba samayn lahayn,” ayuu yiri Cali oo beeniyay in falkaas uu ahaa argagixisannimo.

    Isaga iyo xildhibaanno kale ayaa u codeeyay xeer baarlamaan oo lagu dhibaateeyay Suuriya. Haddii aan ka hijroon waayay dhulkan, waxaan go’aansaday in aan si kale ugu gargaaro Muslimiinta,” ayuu ka hor sheegay xeer beegti kiiskiisa dhagaysanayso.

    Mar la weydiiyay waxa dilka xildhibaanka ay xaaladda ka bedali karto, ayaa Cali waxa uu ku jawaabay “hadda ma uu coddeyn karoo o codkiisa kuma dhibi karo Muslimiinta, waana farriinta aan u dirayo saaxiibbadii.”

    Eedeysanaha ayaa tilmaamay in arrinta kale ee uu u beegsaday xildhibaanka ay tahay xubinnimadiisa saaxiibbada Israa’iil ee xisbiga Conservative-ga.

    Mar la weydiiyay inuu yahay Muslim xagjir ah, ayaa waxa uu ku jawaabay “waxaan ahay Muslim qunyar socod ah”.

    Cali Xarbi ayaa maxkamadda u sheegay inuu rajeynayay in la dilo oo uu “noqdo shahiid” balse markii uu arkay in labada askari ee soo galay goobta uu xildhibaanka ku dilay aanay hubaysnayn, uu markaas go’aansaday inuu iska dhigo tooridda.

    Maxkamadda ayaa horraan u dhegaysatay in eedaysane Cali uu qorsheynayay inuu beegsado wasiirka dowladaha hoose ee UK, Michael Gove.

    “Waxaan rumaysanahay inuu [Michael Gove] dhibaato badan u geystay Muslimiinta,” ayuu Cali u sheegay xeer beegtida.

    Waxa uu aad u doonayay inuu ku biiro ururka isku magacaabay dowladda Islaamka, oo uu rabay inuu Suuriya u safro mudadii u dhexaysay 2015 iyo 2017, balse ay taa ku adkaatay.

    Waxa uu garnaqsigiisa ku soo afjaray inuu filayo in dilka xildhibaan Sir David ay cashar u noqon doonto xildhibaannada kale, isla markaana “ay joojin doonaan colaadda ka dhanka ah Muslimiinta”.

    Sir David, oo 69 jir ahaa, oo baarlamaankana ku matalayay deegaan baarlamaaneedka Southend West, ayaa kulan la lahaa dadka soo doortay, isagoo kala hadlayay waxyaabaha ay u baahan yihiin.

    Waa xildhibaankii labaad ee isagoo baarlamaanka ka tirsan la dilo shantii sano ee lasoo dhaafay gudahood. Sanadkii 2016-kii ayaa la dilay Jo Cpx oo ahayd xildhibaanad ka tirsan xisbiga shaqaalaha.

    Ra’iisul Wasaare Boris Johnson ayaa xildhibaanka la dilay ku tilmaamay in uu ka mid ahaa dadka “ugu naxariista badan, ugu wanaagsan, uguna macquulsan dhinaca siyaasadda”.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    October 26, 2025

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.