GAROWE – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa maanta goobjoog ka ahaa shir muhiim ah oo lagu kala saxiixday heshiis ku saabsan habaynta iyo kala xaddeynta canshuuraha u dhexeeya Dowladda Hoose iyo Dowladda Dhexe.
Shirka waxaa goobjoog ahaa Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaraddaha kulanka ka qaybgalay.
Shirkan ayaa qayb ka ahaa kulamo horay udhacay ujeedkiisuna ahaa in la helo nidaam mideysan oo lagu maareeyo canshuuraha si loo xoojiyo wada shaqeynta hay’adaha dowladda iyo kor u qaadista dakhliga.
Heshiiskan waxaa si wadajir ah uga shaqeynayey guddiyo ka kala socday Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasaaradda Ganacsiga, Wasaaradda Kalluumeysiga, Wasaaradda Caddaaladda, Wasaaradda Duulista iyo Garoomada, iyo sidoo kale Xafiiska Hanti-dhowrka Guud.
Shirkan ayaa lagu gaaray heshiis wax ka beddel ku sameynaya qaabka loo kala qaato canshuuraha Dowladda Hoose iyo Dowladda Dhexe iyadoo la dejiyay hannaan cad oo hufan oo labada dhinac u sahli doona fulinta waajibaadkooda maaliyadeed.
Ugu dambeyn, heshiiskan ayaa la filayaa inuu door weyn ka qaato xoojinta nidaamka maaliyadeed ee Puntland iyo kor u qaadista hufnaanta iyo isla xisaabtanka hay’adaha dowladda waxaana saxiiyey Wasiiradii goobjoga ahaa.
Baahintii
Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland
