Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ciidamada Badda Maraykanka oo Gacanta ku dhigay Hub usocday Xuutiyiinta Yemen
    Somalia

    Ciidamada Badda Maraykanka oo Gacanta ku dhigay Hub usocday Xuutiyiinta Yemen

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 11, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ciidamada Badda Mareykanka,ayaa gacanta ku dhigay in ka badan 2,100 oo qori oo ah kuwa darandoorriga u dhaca markab marayay gacanka Cummaan oo ay rumeysan yihiin in uu ka yimid Iran una socday Xuutiyiinta Yemen ee ay Iran taageerto, sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidamada badda Talaadadii.

    Waxay ahayd qabashadii ugu dambeysay ee hub la sheegay in uu ku socday dalka ugu saboolsan dunida Carabta, waxaana qabtay ciidamada ilaalada xeebaha ee USS Chinook.

    Timothy Hawkins, oo ah afhayeenka kooxda shanaad ee ciidamada badda ee Bariga Dhexe ayaa sheegay inay qabtay qoryahan oo ahaa nooca Kalashnikov ah oo midmid lagu soo duubay koollo cagaaran.

    Khubarada baarayay sawirro ay baahiyeen ciidamada badda ayaa markii dambe sheegay in hubkan uu u muuqday qoryaha T-56 ee Shiinaha lagu sameeyo iyo Molot AKS20Us oo Ruushku sameeyay.

    “Markii aynnu qabanay markabka, waxa uu ku socday waddo taariikhiyan loo isticmaali jiray in lagu soo raro shixnadaha sharci darrada ah ee Xuutiyiinta Yemen,” ayuu Hawkins u sheegay Associated Press.

    Cunaqabateynta hubka ee Qaramada Midoobay ayaa mamnuucday in hubka lagu wareejiyo Xuutiyiinta tan iyo 2014-kii, markaasoo uu qarxay dagaalka sokeeye ee Yemen.

    VOA.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Canshuuraha Labada heer Ee Dowlada Puntland oo lakala qeexay

    March 26, 2026

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    March 25, 2026

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Canshuuraha Labada heer Ee Dowlada Puntland oo lakala qeexay

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.