Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ciidamada kenya oo iskaga baxay Magaalada Baardheere Ee Gobolka Gedo
    Somalia

    Ciidamada kenya oo iskaga baxay Magaalada Baardheere Ee Gobolka Gedo

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 20, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidammada Kenya ee qaybta ka ah hawlgalka Midowga Afrika ee loo yaqaano AMISOM ay saaka isaga baxeen saldhigyadiii ay ku lahaayeen magaalada Baardheere.
    Dhaqdhaqaaqa bixitaanka ee Ciidamada Kenya ayaa maalmihii la soo dhaafay ka muuqanayay xeryaha ay magaalada Ku lahaayeen.
     
    Bixitaanka ciidammada Kenya ayaa bilowday waqti danbe oo xalay ah iyagoo ku baxay waddada aada dhinaca degmada Ceelwaaq oo ku dhaw xadka Somaaliya ay la wadaagto wadanka Kenya.
     
    Maamulka degmada ayaa BBC-da u xaqiijiyay in ciidammada Kenya ay guud ahaanba banneeyeen saldhigyadii ay ku lahaayeen Baardheere isla markaana ay u baxeen dhinaca Ceelwaaq.
     
    Gudoomiyaha magaalada Cadow Nuur Xasan ayaa ku sababeeyay bixitaanka ciidammada Kenya mid la xiriirta hawlgalo kale oo ay gobolka Gedo ka fulinayaan gaar ahaan degmada Ceelwaaq, wuxuuna dhanka kale sheegay in ciidanka Soomaalida iyo kuwa kale ee Itoobiya ay ku filanyihiin amniga Baardheere.
     
    Magaalada Baardheere waa magaalo istiraatiji ah waxana labo daamood u kala qaybiya wabiga Juba oo dhexmara, daanta ciidammada Kenya ay baneeyeen maahee daanta kale, wali waxaa saldhigyo ku leh ciidammada Itoobiya oo ay wehliyaan ciidammo Soomaali ah.
     
    Ciidammada Kenya oo ay wehliyaan ciidammo Soomaali ah iyo kuwa Itoobiya oo si gaara u socda ayaa Baardheere kala wareegay Al-Shabaab bishii Luulyo sannadkii 2015.
     
    Wakhtigaa wixii ka danbeeyay waxaa Baardheere maamulayay ciimmada Dawladda iyo kuwa wadamada dariska ah inkastoo ay weeraro joogta ah kala kulmayeen xoogagga Al-Shabaab oo ku soo qaadayay weeraro ku dhufoo ka dhaqaaqda ah iyo kuwa ay jidka ugu galayeen kolonyada sahayda u sida.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    June 17, 2025

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    June 17, 2025

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    June 17, 2025
    Latest Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Faallo:-Maxaa dhacaya hadii Maraykanku ku biiro dagaalka Iran?

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Doonyo laga shakiyay oo lagu qabtay Bender-beyla

    Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.