Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ciidamada oo la wareegay taladii Dalka Burkinafaso
    Somalia

    Ciidamada oo la wareegay taladii Dalka Burkinafaso

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 24, 2022No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Diblamaasiyiinta Galbeedka Afrika iyo ilo-wareedyo militari ayaa sheegay in madaxweynihii dalka Burkina Faso Roch Kabore maanta lagu xiray saldhig militari, kaddib marki ay askar ka tirsan ciidanka qalabka sida ay kasoo qabteen gurigiisa oo ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Ouagadougou.

    Xarigiisa ayaa yimid ka dib markii ay habeenkii Axadda oo dhami rasaas xoogan ka dhaceysay xeryo ciidan oo ku yaala dalkaasi dhaca Galbeedka Afrika, iyadoo askartu ay dalbanayeen in taageero dheeraad ah laga siiyo dagaalka ay kula jiraan kooxaha Islaamiyiinta ah. Dawladda waa ay beenisay in ciidanku ay talada xoog kula wareegeen.

    Waxaanan si dhab ah loo ogeyn halka uu jaan iyo cirib dhigay madaxweyne Kabore Isniinta maanta ah, iyadoo ay iska soo daba dhacayaan warar is qilaafsan oo ka imanaya dhinacyada millatariga iyo diblamaasiyiinta.

    Gawaarida gaashaaman oo dhowr ah oo ay wateen ciidamada ilaalada madaxtooyada oo ay ka buuxaan rasaas ayaa lagu arkayaa agagaarka guriga madaxweynaha. Mid ka mid ah baabuurta ayaa waxaa ka muuqday wax u eg dhiig. Dadka deggan xaafadda ay ku taallo madaxtooyada ayaa soo sheegay in xalay oo dhan maqlayeen rasaas xoogan.

    Saddex baabuur oo ah kuwa gaashaaman iyo ciidamo ay wajiyada u duuban yihiin ayaa la dhigay bannaanka hore ee xarunta warbaahinta Dowladda. Waxaanan wali suura-gelin in la helo ilo-wareeyada dowladda si loo helo war rasmi ah.

    Kabore ayaa bilihii la soo dhaafay wajahayey mowjado dibadbaxyo ah, kaddib marki ay shacabka ka niyad-jabeen dilalka joogtada ah ee ay ay kooxaha mintidiinta ah u geysanayaan dadka rayidka ah iyo askarta, mintidiintaas oo xiriir la leh Daacish iyo Al Qaacida.

    Weerar ay kooxahaasi bishii November ku qaadeen saldhig ciidanka militarigu ay ku leeyihiin magaalada Inata, ee waqooyiga gobolka Soum, ayay ku dileen 49 askari oo ka tirsanaa booliiska iyo militariga iyo afar qof oo rayid ahaa. Markii dambe waxaa soo baxday in ciidamadii halkaas ku sugnaa ay ka dhammaadeen cuntadii iyo biyihii isla markaana ay dantu ku qasbtay in ay muddo laba todobaad ah ku noolaadaan xoolo ay ku qalanayeen agagaarka saldhiggooda.

    Dibad-baxayaal taageersan ciidamada kacdoonka sameeyay ayaa Axaddii shalay weeraray xarunta xisbiga siyaasadeed ee Kabore. Dawladdu waxay ku dhawaaqday bandow laga billaabo siddeeda fiidnimo ilaa shanta iyo barka subaxnimo. Waxay sidoo kal xirtay dugsiyada muddo laba maalmood ah.

    Qalalaasaha ka taagan Burkina Faso ayaa yimid kaddib markii 18-kii bilood ee la soo dhaafay ay dalalka Mali iyo Guinea ee isla Galbeedka Afrika ka dhaceen, afganbiyo ay sameeyeen militariga, kuwaas oo talada looga tuuray madaxweynayaashi hore ee dalkaasi.

    Reuters

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    October 27, 2025

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    October 26, 2025

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025
    Latest Posts

    𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.