Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ciidamada Ruushka oo Dukheeyay Dad gabaad ka dhiganayay Masaajid
    Somalia

    Ciidamada Ruushka oo Dukheeyay Dad gabaad ka dhiganayay Masaajid

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 12, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ukraine ayaa Sabtida maanta ah sheegtay in masjid ku yaalla magaalada dekedda leh ee Mariupol ee koonfur-bari dalkaasi oo gabbaad ay ka dhiganayeen ilaa 80 qof oo rayid ah ay duqeeyeen ciidamada Ruushka, sida ay warisay wakaaladda wararka AFP.

    “Masjidka Sultan Suleyman the magnificent (Suldaan Suleymaan Al-Qaanuuni) iyo xaaskiisa Roxolana (Hurrem Sultan) ee Mariupol ayay Ruushku duqeeyeen. In ka badan 80 qof oo isugu jira dad waaweyn iyo caruur oo ay ku jiraan muwaadiniin u dhashay Turkey ayaa gabbaad ka dhiganayay” ayay Twitter-ka ku qortay wasaaradda arrimaha dibadda ee Ukraine.

    Wasaaradda ayaan sheegin goorta ay duqeyntu dhacday. AFP ayaa warisay in ay la xiriirtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ee Istanbul, oo u sheegtay in “aysan ka warqabin.”

    Si kastaba, safaaradda Ukraine ee Ankara ayaa AFP u sheegtay in ay wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ku wargelisay weerarkan, iyadoo aan sheegin goorta ay ku wargelisay iyo jawaabta ay ka heshay.

    Isniintii, qunsuliyadda Turkiga ee magaalada dekedda leh ee Odessa ee koonfurta Ukraine ayaa Twitter-keeda ku qortay qoraal ay ku sheegtay in muwaadiniinta Turkiga ay gabaad ka dhigtaan masaajidka, si loogu daadgureeyo Turkiga.

    AFP ayaa warisay in aysan u suurtogelin in ay hesho qunsuliyadda si ay warkan uga hadasho.

    Jimcihii, safaaradda Ukraine ee Turkey ayaa wariyeyaasha u gudbisay qoraal uu Facebook ku qoray ku xigeenka duqa magaalada Mariupol, Petro Andryushchenko, kaasi oo qoray “ hadda 86 qof oo Turkish ah ayaa gabbaad ka dhiganaya masjidka. 34 ka mid ahna waa caruur.”

    Saaxiibada iyo qaraabada Turkiyiinta ku nool Mariupol ayaa aad u walaacsan.

    “Walaalkey, Sahin Beytemur, waxa uu Mariupol ku noolaa siddeed sano. Ma aanan maqlin warkiisa ilaa Sabtidii hore,” ayay walaashiis oo 38 ah u sheegtay AFP.

    Qaar kale ayaa adeegsaday baraha bulshada si ay isugu dayaan in ay helaan halka ay ku sugan yihiin ehelladoodu.

    Turkey ayaa saaxiib dhow la ah Ukraine laakin waxa uu sidoo kale diiday in uu xiriirka u jaro Moscow, waxaana uu xittaa isku dayay in uu dhexdhexaadiyo labada dhinac, isagoo qabtay kulankii u horreeyay ee wasiirada arrimaha dibadda ee Russia iyo Ukraine oo Khamiistii ka dhacay magaalada Antalya.

    AFP

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.