Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ciidamo Somaliya oo lagu Eedeeyay in ay xad gudubyo ka geysteen Gobolka Tigray
    Somalia

    Ciidamo Somaliya oo lagu Eedeeyay in ay xad gudubyo ka geysteen Gobolka Tigray

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 21, 2022No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ciidamo ka tirsan militeriga Soomaaliya ayaa lasoo tebiyay inay xadgudubyo waaweyn ka geysteen gobolka Tigray ee uu dagaalka ka socdo, inkastoo ay dowladda Soomaaliya horay u beenisay inay askar geysay gobolkaas oo ku yaalla Waqooyiga dalka Itoobiya.

    Militeriga Soomaaliya oo garabsanaya kuwa dowladda Eritrea ayaa lagu eedeeyay inay xasuuq ka geysteen deegaanno ka tirsan Tigray, bilihii ugu horreeyay ee ka dambeeyay marka uu dagaalku billowday, sida laga soo xigtay dad goob joogeyaal ah oo uu wareystay wargeyska “The Globe and Mail” ee kasoo baxa wadanka Canada.

    Markhaatiyaasha uu wargeyska la hadlay waxaa ka mid ah nin 52 jir ah oo magaciisa lagu soo koobay Gebretsadik, kaasoo sheegay inuu daggan yahay xaafadda Zebangedena ee ku taalla waqooyiga-bari ee gobolka Tigray.

    “Meydadka wadaad diimeedyo oo madaxa uu ka go’an yahay ayaan ku arkay waddooyinka xaafaddeyda, bishii December ee 2020-kii,” ayuu yiri.

    Gebretsadik ayaa intaas ku daray: “Ciidamada Soomaalida oo qabsaday xaafaddeyda ayaa si gaar ah u bartilmaameedsaday kaniisadaha waxayna laayeen baadariyaasha. Way gowraceen.” Ciidanka Soomaalida iyo Ereitrea ayaa xaafaddaas ku sugnaa ilaa dabayaaqadii bishii February, sida uu sheegay ninkan ka midka ah dadka deegaanka.

    Dadka kale ee xogta laga soo xigtay waxaa ka mid ah beeraley 32 jir ah oo la yiraahdo Berket, kuna sugan xaafadda Mai Harmaz ee gobolka Tigray, kaasoo yidhi: “Ciidanka Eritrea su’aalo ayay ku weydiinayaan ka hor inta aysan ku dilin, balse kuwa Soomaalida ah ma sameeyaan sidaas.” Waxa uu intaas ku daray in baadariyaasha la dilay uu ka mid ahaa nin ay deris ahaayeen oo 76 jir ahaa.

    Hase yeeshee Dowladaha Soomaaliya, Eritrea iyo iyo Itoobiya ayaa beeniyay inay isku xulafeysteen dagaalka Tigray oo hadda socda muddo ka badan hal sano.

    Ma aha markii ugu horreysay ee ay soo baxaan wararka ku saabsan in ciidamo ka tirsan militariga Soomaaliya ay ka qayb qaateen dagaalka gobolka Tigray.

    Bartamihii sanadkii 2021-kii, warbixin ka soo baxday Hay’adda Xuquuqda Addanaha u qaabilsan Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in ciidamo ka socday Soomaaliya oo tababar ku qaadanayay saldhig militari oo ku yaalla Eritrea in ay ku biireen dagaalka Tigray oo khasaare badan dhaliyay.

    Hadal heynta ku saabsan ciidamada Soomaalida ayaa ahayd mid sii xoogeysaneysay oo ka jirtay gudaha Soomaaliya halka ay xukuumadda uu hoggaamiyo Maxamed Xuseen Rooble ay ku adkeysaneysay inaysan ciidankooda tagin waqooyiga Itoobiya.

    Waalidiinta ay ka maqan yihiin dhallinyarada
    Bishii June ee sanadkii lasoo dhaafay, waxaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ka dhacay mudaharaad ay sameeyeen qaar ka mid ah waalidiinta dhalay askartii la sheegay in tababarka militariga loogu diray dalka Eritrea balse ay ka dagaallameen Itoobiya. Dadka dibadbaxayay ayaa dowladda ka dalbadayn in dalka dib loogu soo celiyo askartaas.

    Waalidiinta ayaa doonayay inay ogaadaan halka ay carruurtooda ku sugan yihiin, kaddib markii ay soo baxeen wararka sheegaya in ciidan Soomaali ah loo diray dagaalka gobolka Tigray.

    Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa xilligaas magaalada Muqdisho ku magacaabay guddi soo baara cabashada ay waalidiinta ka qabaan ubadkooda ka maqan. Ilaa iyo hadda wax war ah kama soo bixin guddigaasi.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Islaan Bashiir oo iska diiday casuumadii Geelle

    October 28, 2025

    Xog:-Maxaa kasoo baxay kulankii Reer Mudug iyo Madaxweyne Deni

    October 28, 2025

    Madaxweyne Deni oo kala diray Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Ee PL

    October 28, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Islaan Bashiir oo iska diiday casuumadii Geelle

    Xog:-Maxaa kasoo baxay kulankii Reer Mudug iyo Madaxweyne Deni

    Madaxweyne Deni oo kala diray Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Ee PL

    𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.