Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ciidamo soomaali ah oo ka qayb gelaya dhoolatus milateri oo lagu qabanayo Suudaan .
    Somalia

    Ciidamo soomaali ah oo ka qayb gelaya dhoolatus milateri oo lagu qabanayo Suudaan .

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 22, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    In ka badan Kun Askari oo ka kala socda 10-ka Waddan ee ka tirsan Taliska Ciiddanka Heeganka ee dalalka Bariga Afrika (EASF) ayaa Dhoolatus la xiriira Hawlgalladda Nabad-ilaalinta iyo Ammaanka uga bilaaban doonaa Dekedda Port Sudan ee dalka Sudan.

    Tababarkaasi ayaa socon doona muddo 2 isbuucah waxaa ka qeyb galaya Ciiddamo ka kala socda dalalka Somalia, Sudan,Djibouti, Kenya, Ethiopia, Uganda, Burundi, Rwanda, Komoros iyo Seychelles.

    Carbiskaasi Milliteri oo loogu magac daray “Mashariki Salaam 2” ayaa la sheegay inuu bilaaban doono bishan  November 25-da, lana soo gebagebeyn doono bisha December 3-da ee sannadkan.
    Hadal ka soo baxay Taliska Ciiddanka Heeganka ee dalalka Bariga Afrika ee “ The Eastern Africa Standby Force  (EASF) ayaa lagu sheegay inay Ciiddanka qaadan doonaan Tababaro dhinaca Rayidka, Boliska iyo Milliteriga, si loogu xoojiyo Awoodooda ku adaan inay si degdeg ah uga hawlgalaan goobaha ay ka dhacaan Colaadaha ee  dalalka Bariga Afrika.

    Ciiddanka waxaa kaloo la bari doonaa Hawlaha Nabad-ilaalinta, Ka-hortaga Argagixisadda iyo Falalka Tahriibinta dadka ee ka socda Mandiqadda Bariga dhexe.

    Muddada uu socdo Dhoolatuskaasi waxaa ka so oqeyb geli doonaa Wakiilo Milliteri oo ka kala socda dalalka Maraykanka, Shiinaha iyo Midwoga Europe.

    Tan iyo markii la asaasay Ciiddanka Heeganka ee dalalka Bariga Afrika (EASF) sannadkii 2004-tii, waxay Ciiddanku Tababaro Milliteri oo noocaasi ah ka sameeyeen dalalka Kenya, Sudan, Djibouti, Ethiopia iyo Uganda.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.