Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Codayntii doorashada Madaxweynaha Kenya Oo bilaabatay saaakay
    Somalia

    Codayntii doorashada Madaxweynaha Kenya Oo bilaabatay saaakay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 26, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Dadka reer Kenya ayaa maanta soo dooran doono madaxweyne cusub xilli laga cabsi qabo in rabshado ay ka dhashaan natiijada kasoo bixi doonto doorashadan oo uu muran badani ka jiro.
     
    Maxkamada Sare ee dalka Kenya ayaa ku guuldarreysatay shalay in ay dhageysato dacwad ay soo gudbiyeen mucaaradka, taasoo ay ku dalbadeen in dib loo dhigo doorashada.
     
    Hogaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga, oo horraantii bishaan isaga baxay tartanka doorashada ayaa taageerayaashiisa ugu baaqay inay qaaddacaan doorasahada maanta,hoos ka dhagayso codka.
     
    Ammaanka Kenya ayaa aad loo adkeeyay iyadoo loo dareeray codaynta doorashada lagu murmay ee ku celiska ah, taas oo uu qaadacay xisbiga mucaaradka ugu wayn.
     
    Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo raadinaya in mar labaad xilka loo soo doorto ayaa dadka ugu baaqay in ay codeeyaan ammaankana ilaaliyaan.
     
    Hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga oo isaga haray doorashada ku celiska ah ayaa ku baaqay in taageerayaashiisu aysan codaynin.
     
    Kenyatta ayaa lagu dhawaaqay in uu ku guulaystay doorashadii 8 August, laakiin waxba kama jiraan ayaa laga soo qaaday ka dib markii lagu helay “wax isdabomarino”.
    Goobaha codaynta ayaa albaabada loo furay 6:00.
     
    Gudoomiyaha guddiga doorashada Wafula Chebukati ayaa horay u sii sheegay in xorumaha coddayntu ay furmi doonaan 6:00 subaxnimo, ka dib markii ay xukuumadu damaanad qaad siisay.
     
    Tobannaan kun oo booliis ah iyo xubnaha kale ee laamaha ammaanka ayaa loo daad gureeyay goobaha cod bixinta si ay u sugaan ammaanka goobaha laga codaynayo iyo xarrumaha codka laga dhiibanayo.
     
    Kenyatta oo dadka ugu baaqaya in ay codeeyaan ayaa sheegay in awawyadood ay u soo dagaalameen una dhinteen xaqa in dadka Afrikaanka ah ay codkooda dhiibtaan. Waa in aynaan ku dhiiranin diiditaanka dhaxalkaas ayuuna sii raaciyay.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.