Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Codsigii Ukrain Ee ka mid noqoshada Midowga Yurub oo la aqbalay
    Somalia

    Codsigii Ukrain Ee ka mid noqoshada Midowga Yurub oo la aqbalay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 24, 2022No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Baarlamaanka Midowga Yurub ayaa Khamiistii si aqlabiyad leh ugu codeeyay in Midowga Yurub uu oggolaado musharaxnimada Ukraine, taasoo Ukraine u dhaweyneysa inay ka mid noqoto xulafada reer galbeedka oo siin jiray hub aad u badan si ay uga caawiyaan la dagaallanto duullaanka Ruushka ee afarta bilood jirsaday.

    529 ayaa u codeeyay mooshinka Ukriane ee ka mid noqoshada Yurub, 45 kale ay diiday, halka 14 xildhibaan oo kale aysan soo xaadirin. Baarlamaanka Yurub ayaa sidoo kale ansixiyay magacaabista Midowga Yurub ee Georgia iyo Moldova.

    Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in tani ay tahay “waqti taariikhi ah oo ku jirta xiriirka Ukraine iyo mustaqbalka Ukraine ee Midowga Yurub”.

    “Waxaan hadda helnay magacaabista,” ayuu ku yiri Instagram-ka “Tani waa guusheenna.”

    Si saddexda dal ay uga mid noqdaan 27-ka waddan ee Midowga Yurub, waxaa looga baahan yahay inay sameeyaan isbedello siyaasadeed iyo kuwo dhaqaale.

    Madaxa golaha Yurub Ursula von der Leyen ayaa sheegtay in Ukraine ay โ€œhore u fulisay ku dhawaad 70% sharciyada, xeerarka iyo halbeegga Midowga Yurubโ€. Laakiin waxay sheegtay inay jiraan waxyaabo badan oo kale sida “ku-dhaqanka sharciga, ka hortagga musuqmaasuqa iyo ilaalinta xuquuqda aasaasiga ah”.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    October 25, 2025
    Latest Posts

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.