Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Colaadii Sangajabiye oo lasoo afmeeray lagana soo saaray go’aamo
    Somalia

    Colaadii Sangajabiye oo lasoo afmeeray lagana soo saaray go’aamo

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 7, 2022No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa ka qayb galay munaasabadda gunaanadka shirka nabadaynta beelaha walaala ah ee dirirtu ku dhex martay deegaanada Saax-maygaag iyo Sangajabiye.

    Guddiga nabadeynta howshan loo xil saaray ayaa Madaxweyne Ku-xigeenka iyo guud ahaanba munaasabadda la wadaagay go’aamada lagu heshiiyay oo faahfaahsan.

    Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne ku xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan, ayaa Munaasabadda kaga dhawaaqay in Dowladdu qaadatay go’aanka guddigu soo saaray, waxa uu sheegay in lagu shaqayn doono, isla markaana ciddii ka hortimaada la iska qaban doono, Dowladd iyo shacabba.

    Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa u mahadceliyay masuuliyiinta kala duwan ee howsha nabadaynta kasoo shaqeeyay sida Isimada,Guddiyada, Ergada laba dhinac iyo Masuuliyiinta kale ee Dowladda.

    Shirkaan waxaa ka qayb-galay guddoomiye ku xigeenka kowaad ee baarlamaanka Puntland Abukaate Cabdicasiis Cabdillaahi Cismsan, Isimmo wasiiro ka tirsan dowladda, Nabdoono, Guddiga dhexdhexaadinta, Culimaa’udiin iyo masuuliyiin kale.

    DHAMMAAD

    XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.