Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Cumar Filish oo amar culus dul-dhigay Dadka degan dhulkii Kooxda Minishibiiyada+VIDEO
    Puntland

    Cumar Filish oo amar culus dul-dhigay Dadka degan dhulkii Kooxda Minishibiiyada+VIDEO

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 20, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud ayaa amar ku bixiyay in laga baxo dhulkii ay laheyd Kooxda Minishibiiyada ay ku laheyd degmada Warta Nabadda.

    Guddoomiye Cumar Filish ayaa shalay kormeer ku tagay garoonka kubadda cagta ee Naadiga Muqdisho City Club ee dowladda Hoose, waxaana ujeedka kormeerkiisa ahaa mid dhiira gelin ah iyo sida ay ciyaartoyda ugu diyaar garoobayaan tartamo kubadda cagta ah oo ka dhacaya Muqdisho.

    https://www.facebook.com/GobolBanadir/videos/1455454584609609/

    Duqa Muqdisho ayaa amar ku bixiyay inta ka dhiman bishan November looga baxo dhulkii Munishiibiyada ay laheyd, waxaana uu tilmaamay inay rajeynayaan in illaa 1-da bishan December looga baxo dhulkaas.

    “Meelo dad u dhisan ayaa jirta oo naloo sheegay oo ah Garoonkii Basketball-ka iyo Baarkii Minishiibiyada, waxaa u qabaneynaa dadka degan inay nagu soo wareejiyaan illaa 1-da bisha December ee soo socota, waxaa rajeynayaa mar haddii mulkiyada nala sheeganeyn inay nagu daahin, waa u mahadcelineynaa nagama heysan waa noo hayeen”ayuu yiri Guddoomiye Cumar Filish.

    Amarkan ka soo baxay Guddoomiye Cumar Filish ayaa noqonaya kii u horeeyay oo uu soo saaro oo ku aadan dhulka danta guud oo sida sharci darada ah loo degan yahay.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    March 25, 2026

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    March 25, 2026

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.