Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Daacish oo sheegtay inuu dhintay wiilka al-Baghdadi
    Somalia

    Daacish oo sheegtay inuu dhintay wiilka al-Baghdadi

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 4, 2018No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wiilka hogaamiyaha kooxda Daacish Abu Bakar al-Baghdadi ayaa ku dhintay howlgal ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Homs ee galbeedka dalka Syria, sida ay baahisay warbaahinta Daacish ee al-Nashir News.

    Ayada oo soo bandhigtay sawirka wiilka yar oo lagu magacaabo Hudhayfah al-Badri, ayaa warbaahinta waxa ay sheegtay inuu ku dhintay howlgal ka dhan ahaa ciidamada Russia iyo kuwa dowladda Syria ee jooga Homs.

    “Hudhayfah al-Badri (Allaha aqbalee), wiilka khaliifka (Allaha xifdiyee), waxaa lagu dilay howlgal ka dhan ahaa ciidamada Russia iyo kuwa Syria ee jooga Wilaayada Homs” ayaa lagu yiri qoraalka al-Nashir.

    Si madax banaan looma xaqiijin karo dhimashada Hudhayfah al-Badri.

    Al-Baghdadi, oo ah Ciraaqi magaciisa runta uu yahay Ibraahim Awad al-Badri ayaa kooxda Daacish ku aas-aasay magaalada Mosul bishii June ee sanadii 2014, isaga oo isku magacaabay khaliif.

    Wixii markaas ka dambeeyey wuxuu ahaa qofka loogu doonista badan yahay dunida, ayada oo madaxiisa la dul dhigay 25-milyan oo dollar.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wefti sare oo QM ka socda oo gaaray Bosaso

    August 26, 2025

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    August 26, 2025

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    August 25, 2025
    Latest Posts

    Wefti sare oo QM ka socda oo gaaray Bosaso

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Calmiskaad

    Message from the Puntland Defence Forces Headquarters

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.