Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Daacish oo weerar dhimasho leh ‘ka fulisay’ Israel
    Somalia

    Daacish oo weerar dhimasho leh ‘ka fulisay’ Israel

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 29, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Kooxda Daacish ayaa maanta sheegatay mas’uuliyadda toogasho ka dhacday waqooyiga Israel oo lagu dilay laba sarkaal oo boolis ah, sida uu ka warramay bayaan lagu baahiyey website-ka dacaayadda kooxdaas faafiya ee Amaq.

    “Laba xubnood oo ka tirsan booliska dalka Yahuudda ayaa lagu dilay kuwa kalena waa lagu dhaawacay weerar toogasho ah,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Daacish oo aan inta badan sheegan weeraro ka dhaca gudaha Israel.

    Kooxda ayaa sheegtay in laba ka mid ah dagaal-yahanadeeda ay fuliyeen toogashada oo Axaddii ka dhacday waddada Herbert Samuel ee magaalada Hadera ee waqooyiga Israel.

    Waxay sheegatay in 10 kale lagu dhaawacay iskudhac xigay toogashada.
    Sida ay ku warrantay kooxda sirdoonka ee SITE, waa markii ugu horreysay tan iyo 2017 oo Daacish ay si rasmi ah u sheegato weerar ka dhacay gudaha Israel.

    Weerarkan dhimashada leh ayaa yimid ayada oo wasiiro arrimo dibadeedyada afar dal oo Carbeed iyo xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka ay isugu yimaadeen koonfurta Israel oo ay ku yeesheen kulan goboleed aan caadi aheyn.

    Dudu Boani, oo ah taliye ku-xigeeka booliska gobolka, ayaa sheegay in raggii weerarka soo qaaday la toogtay.

    Maamulkii Daacish – oo xukumeysay malaayin qof oo ku nool qeybo badan oo ka mid ah Syria iyo Iraq – ayaa si rasmi ah loogu dhowaaqay in laga adkaaday 23-kii March 2019.

    Hase yeeshee, xubnaha Daacish ayaa weli wada inay weeraro ka fuliyaan caalamka.

    Horraantii bishan, Daacish ayaa xaqiijisay geerida hoggaamiyaheeda Abu Ibrahim al-Qurashi waxayna u magacowday Abu Hasan al-Hashemi al-Qurashi inuu beddelo.

    AFP

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    October 26, 2025

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025
    Latest Posts

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.