Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Daawo sawirada Furitaankii shirka kismaayo Ee Madaxda Dawladaha xubnaha ka ah Fadaraalka
    Somalia

    Daawo sawirada Furitaankii shirka kismaayo Ee Madaxda Dawladaha xubnaha ka ah Fadaraalka

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 8, 2017Updated:October 8, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Shirka Wadatashiga ee u dhaxeeya Dawladaha xubnaha ka ah Dawlada Fadaraalka oo caawa ka furmay guriga Martida ee magaalada Kismaayo.

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo shirka furay ayaa sheegay in shirka uusan aheyn mid ay isugu baheysanayaan dowladda Federaalka, isla markaana ujeedku yahay sidii wixii mugdi ah oo jira loo dhamayn lahaa, kadibna talo loo dhanyahay Dowlada dhexe loola tagi lahaaa.

    Madaxweynaha Dawlada Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo loo doortay shir gudoonka shirkan,ayaa sheegay in shirkan muhiimadiisu tahay in la sameeyo siyaasad ay ku mideysan yihiin madaxda dowladaha xubnaha ka ah DawladaFadaraalka, waxaana uu tilmaamay in ujeedku ay aanu aheyn inay abuuraan dhibaato iyo kala dambeyn laโ€™aan, balse ay ku xoojinayaan dowlada dhexe wanaaga Soomaaliya.

    Madaxweynaha maamulka aan sharciyada buuxin ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in Madaxda dowlad goboleedyada looga baahan yahay inay u hoggaansamaan Dastuurka oo uu xusay inuu yahay kan xalka lagu gaarayo.

    Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in loo baahan yahay in dalka iyo dadka loo turo, isla markaana laga shaqeeyo Midnimada.

    Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan ayaa sheegay in maamul goboleedyada looga baahan yahay inay ka goโ€™naato mowqif ay ku mideysan yihiin inay shirkan ka soo saaraan, waxaana uu meesha ka saaray in waxyaabo looga soo horjeedo Dawlada Fadaraalka ahย  laga soo saarayo.

    Shirka ayaa caawa ahaa furitaan oo kaliya, ayaa maalinka berri foog ah waxaa lagali doonaa ajandayaasha rasmiga ah ee shirka.

     

     

     

     

     

     

     

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.