Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Daawo Trump Oo aqbalay in su”aalo laga waydiiyo xiriirkiisa Ruushka
    Somalia

    Daawo Trump Oo aqbalay in su”aalo laga waydiiyo xiriirkiisa Ruushka

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 25, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu la kulmo dacwad oogaha gaarka ah ee baaraya fadeexada farogalinta Ruushka ee doorashadii Maraykanka Mr Robert Mauller.

    Trump ayaa intaas ku daray in su’aalo weeydiinta uu rajaynayo in ay dhici doonto muddo 3 todobaad gudahood ah.

    Trump ayaa horey u sheegay in aysan u badneyn in Mr Mauller uu su’aalo weeydiin doono isaga, wuxuuna baaritaanka Ruushka ku tilmaamay mid isaga lagu ugaarsanayo.

    Inkasta oo uu Trump ku adkaysanayo in wax xiriir wada shaqayn uusan dhexmarin isaga iyo Ruushka, haddane hay’adaha sirdoonka Maraykanka ayaa isku raacay in ay jirtay farogalin Ruush.

    Waxyaabaha kale ee uu Trump ka sheegay shirkiisa jaraa’id oo uu ku qabtay Aqalka Cad ayaa waxaa ka mid ah in Hillary Clinton aysan diyaar u ahayn in su’aalo laga weeydiiyo fadeexaddii emailada. Waxa kale oo uu Trump beeniyay in agaasimihii kumeelgaarka ahaa ee FBI Mr Andrew McCabe uu weeydiiyay su’aal la xiriirta sida uu u codeeyay.

    Todobaadkii hore kooxda Mr Mueller waxa ay waraysi la yeesheen xeer illaaliyaha guud Jeff Sessions, waxayna qorshaynayaan in dad kalena ay wareystaan,

    Horey afar qof ayaa dacwad loogu soo oogay la xiriirta arrimaha farogalinta Ruushka,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.