Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dacwad oogaha Sacuudiga”Dilka Khaashuqji waxaa amray sarkaal sirdoon”
    Somalia

    Dacwad oogaha Sacuudiga”Dilka Khaashuqji waxaa amray sarkaal sirdoon”

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 16, 2018No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Dacwad oogaha sacuudiga ayaa sheegay inuu ogaaday in sarkaal ka tirsan sirdoonka uu amray in la dilo Jamaal Khaashuqji ee uusan jirin amar ka soo baxay dhaxal sugaha boqornimada, Amiir Maxamed Bin Salmaan.
     
    Sarkaalka ayaa lagu tirtirsiiyey inuu saxafiga ku soo celiyo Sacuudiga, sida uu afhayeen sheegay.
     
    “Khaashuqji ayaa lagu duray cirbad sun ah, ka dib markii uu gacan ka hadal ka dhacay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul, 2dii Oktoobar” ayuu ku sii daray.
     
    Wuxuu eedeymo ku soo oogay 11 qof oo uu ku eedeyey dilka, wuxuuna weydiistay in 5 ka mid ah dil lagu xukumo.
     
    Kiiska ayaa loo wareejiyey maxkamad, halka baaritaanka 10 kale oo la tuhunsanayaal ahna la sii wado.
     
    Shir jaraa’id oo uu Khamiistii ku qabtay magaalada Riyaad ayuu ku sheegay ku xigeenka dacwad oogaha, Shalaan bin Rajih Shalaan, in Meydka Khaashuqji lagu dhex jarjaray qunsuliyadda markii uu dhintay.
     
    Hilbihii ayaa looga dhiibay qof “shaqaale” maxalli ah, meel dibadda ah. Sawir gacmeedka qofka shaqaalaha ah ayaa la sameeyey, waxaana socda baadigoob lagu hayo halka hilbihiisa laga heli karo.
     
    Mr Shalaan ma uusan sheegin haybta kuwa lagu eedeeyey dilka.
     
    Hase yeeshee wuxuu sheegay in baaritaanku uu “dibadda soo dhigay in qofka amarka dilka baxshay uu ahaa madaxa kooxda wada xaajoodka” ee uu u diray Istanbul ku xigeenka taliyaha sirdoonka, Jeneraal Axmed al Casiiri, si loogu khasbo Khaashuqji in dib loogu celiyo Sacuudiga.
     
    “Amiirka dhaxal sugaha ah waxba kalama socon” ayuu ku sii daray.
     
    Amir Maxamed, wiilka boqor Salmaanka Sacuudiga, ahna ninka la aaminsan yahay inuu Sacuudiga xukumo, ayaa beeniyey inuu wax lug ah ku lahaa “dambi naxariis darro ah oo aan sinnaba qiil loogu samayn karin”.
     
    Dadka dhaliila waxay rumaysan yihiin in ay u badan tahay inuusan waxba kala socon hawlgalka.
     
    Dhowr ka mid ah 21ka qof ee loo xiray dilka ayaa arkay macluumaadkiisa xagga amniga ee wakhtiyadii hore. Jen. Casiiri iyo la taliye sare oo la yiraahdo Sacuud al Qaxtaani ayaa arrintaas darteed shaqada looga eryey.
     
    Mr Shalaan wuxuu sheegay in Mr Qaxtaani laga mamnuucay inuu safro, baaritaanna lagu hayo, laakinse ma uusan sheegin waxa ku dhacay Jen Casiiri.
     
    Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in “amarka dilka Khaashuqji uu ka yimid darajada ugu sarraysa xukuumadda Sacuudiga”, laakinse uusan rumaysnayn in uu boqor Salmaan bixiyey.
     
    Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga, Mevlut Cavusoglu, ayaa sheegay Khamiistii in qaar ka mid ah hadallada ku xigeenka dacwad oogaha Sacuudiga aysan “waafi ahayn”.
     
    “Waxay yiraahdeen qofkan waa la dilay sababtoo ah iska caabbin ayuu sameeyey, ayadoo dilkan uu ahaa mid sii qorshaysnaa” ayuu ku yiri warfidiyeenka.
     
    “Mar kale waxay yiraahdeen waa la jarjaray ….laakin ma aha wax iska dhacay. Qalabkii loo baahnaa iyo dadkiiba hore ayaa loo keenay si ay u dilaan oo ay u jarjaraan”.
     
    Saraakiisha Turkiga waxay sheegeen in 15ka sarkaal ee Sacuudiga ah ee u soo duulay Istanbul saacado ka hor dilka , ay mid ka mid ah rumaysan yihiin uu ahaa khabiir yaqaanna sababaha keena dhimashada dadka la dilo, uuna watay miinshaar lafaha jarjarta.
     
    “Kuwii amarka bixiyey iyo kuwii fuliyey waa in sidoo kale la caddeeyaa, qaabka ay wax u dheceenna waa in aan la qarin” ayuu yiri Mr Cavusoglu oo intaa ku daray in Turkigu uu “iftiimin doono dhamaanba dhinacyada uu dilkan leeyahay”.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Weftigii Sudan oo niyad jab kala laabtay Muqdisho

    August 27, 2025

    Ciidamada PL oo helay Kaydkii Hubka iyo Rasaasta Baallade Ee Daacish

    August 27, 2025

    US Military Assists Puntland in Ongoing Fight Against ISIS

    August 27, 2025
    Latest Posts

    Weftigii Sudan oo niyad jab kala laabtay Muqdisho

    Ciidamada PL oo helay Kaydkii Hubka iyo Rasaasta Baallade Ee Daacish

    US Military Assists Puntland in Ongoing Fight Against ISIS

    Maraykanka iyo Ingiriiska oo kaga hor yimid dhismaha New JL

    Wefti sare oo Qaramada Midoobey ka socda oo gaaray Bosaso

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Calmiskaad

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.