Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dad yar Oo usoo baxay codayntii Doorashada Kenya
    Somalia

    Dad yar Oo usoo baxay codayntii Doorashada Kenya

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 27, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Guddiga doorashada Kenya ayaa sheegay in 6.5 milyan oo qof, ama saddex meelood meel dadka u diiwaan gashan inay codeeyaan, ay codkooda ka dhiibteen doorashadii shalay dalkaas ka dhacday.

    Waxaa jiray mudaaharaadyo iyo rabshado mucaaradka ay ka sameeyeen qaar ka mid ah goobaha doorashada. Ugu yaraan laba qof ayaa toogasho lagu dilay markii ay isku dhaceen dibadbaxayaal iyo booliska.

    Doorashadan ayaa ahayd isku daygii labaad oo madaxweyne Uhuru Kenyatta uu ku doonayo in dib loogu doorto. Maxkamadda sare ee dalkaas ayaa nasakhday doorashadii dhacday sideeddii August ee uu Kenyatta ku guuleystay kadib markii ay sheetay in qaladaad ay ka dhaceen.

    Hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa qaadacay doorashadii shalay, isaga oo sidoo kalena u sheegay taageerayaashiisa inaysan codeyn.

    Inkasta oo inta badan goobaha codbixinta ay ahaayeen kuwa nabdoon, haddana meelaha qaar ayaa rabashado ay ka dhaceen, halka gooba qaarna aanba la furin.

    Guddoomiyaha guddiga doorashada Kenya Wafula Chebukati ayaa ku dhawaaqay in goobaha codbixinta ee aan sababo amni dartood loo furin, laga codeyn doono maalinta sabtida ah.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    August 18, 2025

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    August 18, 2025

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    August 18, 2025
    Latest Posts

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    Ciidamada Difaaca Puntland oo sardar leh uwada Wajiga Afraad

    Yaa umaalgelinaya Itoobiya garoonka diyaaradaha cusub?

    Puntland oo soo saartay Boolis Tayo iyo Tiro sareeya

    Kulankii Taariikhiga ahaa Ee Trump iyo Putin oo bilowday

    Maraykanku miyuu aqoonsanayaa Somaliland?

    Ciidamada Difaaca Puntland oo horumar ka sameeyay Gacanmarinta Godadka

    Kulan Taariikhiya oo dhexmaraya Trump iyo Putin

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.