Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dagaal ka dhex billowday dalalka Armenia iyo Azerbaijan
    Somalia

    Dagaal ka dhex billowday dalalka Armenia iyo Azerbaijan

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 27, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Armenia iyo Azerbaijan ayaa isku diyaarinaya dagaal weyn kadib markii iska horimaad culus uu ka dhex qarxay milatariga Azerbaijan iyo koox gooni u goosato reer Armenia ah, kaasi oo horseeday khasaare nafeed oo shacab iyo militari ah oo soo gaaray labada dhinac.

    Waa isku dhacii ugu xumaa ee tan iyo 2016 dhex mara Azerbaijan iyo Armenia oo uu uu ka dhaxeyeo muran dhuleed salka ku haya gobolka Nagorny Karabakh.

    Gobolka Nagorny Karabakh waxa uu caalamka u aqoonsan yahay inuu ka tirsan yahay Azerbaijan, hase yeeshee waxaa degan dad Armenian ah oo doonaya inay goostaan, waxaana taageera Armenia.

    Khudbad uu shacabka uga jeediyey taleefishinka ayaa madaxweynaha Azerbaijan Ilham Aliyev waxa uu wacad ku maray inuu guul ka gaari doono ciidamada Armenia.

    “Qadiyaddeena waa mid cadaalad ah waana guuleysan doonnaa,” ayuu yiri isaga oo adeegsanaya oraah caan ah oo laga soo xigtay kaligii taliyihii Midowga Soviet Joseph Stalin, oo uu jeediyey bilowdii dagaalkii labaad ee adduunka.

    “Ciidamada Azarbaijain waxay u dagaalamayaan dhulkooda,” ayuu yiri.
    Armenia iyo gobolka gooni u goosadka ah ee Nagorny Karabakh ayaa labadaba soo rogay xukun militari waxayna amreen in ciidamada ay diyaar garoobaan.

    “U diyaar garooba inaad difaacdaan dhulkeena barakeysan,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Armenia Nikol Pashinyan oo qoraal soo dhigay facebook.

    Hoggaamiyaha gobolka Karabakh Araik Harutyunyan ayaa sheegay inuu soo rogay xukun militari, uuna amray in qof kasta oo caafimaad qaba uu isu diyaarinayo adeeg militari.

    Armenia ayaa goor sii horreysay sheegtay in Azerbaijani ay soo weerareen deegaano ay degan yihiin shacab, ayna ku dileen haween iyo carruur.

    Wasaaradda gaashaandhigga Azerbaijan ayaa sheegtay inay billowday ‘weerar ka hortagis ah oo ay isaga caabineyso dhaq-dhaqaaqyada dagaal ee Armenia, kuna xaqiijineyso bad-baadada shacabka.”
    Facebook Forum

    VOA

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.