Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dagaalka Ukrain oo Afrika ka abuuray Gaajo
    Somalia

    Dagaalka Ukrain oo Afrika ka abuuray Gaajo

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 4, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Masโ€™uulka ugu sarreeya Midowga Afrika ayaa Jimcihii la kulmay Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin, iyagoo ka wada hadlay dagaalka Ukraine iyo saameynta uu ku yeeshay dalalka Afrika, gaar ahaan hakinta ku timi dhoofinta hadhuudhka iyo sarreenka, taasoo keentay inay sare u kacaan qiimaha cuntada ee dalal badan oo ku yaalla qaaradda Afrika, waxaana taasi keentay in malaayiin qof oo Afrikan ahi inay gaajo soo foodsaarto.

    Madaxweynaha dalka Senegal Macky Sall oo ah guddoomiyaha Midawga Afrika ee sannadkan oo kula kulmay madaxweyne Vladimir Putin magaalada Sochi ee dalka Ruushka ayaa sidoo kale kala hadlay dagaalka Ukraine iyo saamaynta uu ku leeyahay 1.3 bilyan oo qof oo Afrikan ah.

    Dagaalka Ukraine ka hor, waxay dalalka Afrika ay sannadkiiba ka soo dhoofsan jireen dalalka Ruushka iyo Ukraine, 30 milyan oo tan oo sarreen, hadhuudh iyo gallay ah, hase ahaatee dagaalka ayaa yareeyey dhoofintii waxsoosaarka beeraha ee Ukraine iyo Ruushka, iyo weliba qiimaha shidaalka oo isna cirka isku shareeray.

    Shirkii Jimcihii, ayaa madaxweyne Macky Sall, oo hadda ah guddoomiyaha Midowga Afrika, wuxuu ku boorriyay madaxweyne Putin inuu il gaar ah ku eego, in waddamada Afrika ay ” dhibanayaal” u noqdeen colaadda Ukraine, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Faransiiska. Waxa uu sheegay in sahayda cunnadu ay noqoto mid aanay saamayn ku yeelan cuna-qabataynta ay wadamada reer galbeedku ku soo rogeen dalka Ruushka.

    Guddoomiyaha Bangiga Horumarinta Afrika Akinwumi Adesina ayaa walaac ka muujiyey tallaabada ay dawladda Ruushku ku hor-istaagtay maraakiibta ku sugan badda madow, kuwaas oo siday malaayiin ton oo hadhuudh iyo sarreen ah kuwaas oo ay u wadeen dalal kala duwan oo ay ku jiraan qaaradda Afrika.

    Bangiga Horumarinta Afrika ayaa dhawaan ansixiyay barnaamij ku kacaya illaa $1.5 bilyan oo dollar, si loo hubiyo in dalalka Afrika ay beertaan cunto ku filan oo ay ku quudiyaan muwaadiniintooda. Kooxda bangiga ayaa sheegtay in lacagtan ay ka faaโ€™ideysan doonaan 20 milyan oo beeraley Afrikaan ah.

    Mohammed Yusuf/VOA

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    October 25, 2025
    Latest Posts

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.