Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dawlada Puntland diyaar ma u tahay ilaalinta distuur Federaali ah.WQ.Omar Mohamud Farah (Dhollawaa)
    Somalia

    Dawlada Puntland diyaar ma u tahay ilaalinta distuur Federaali ah.WQ.Omar Mohamud Farah (Dhollawaa)

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 12, 2018No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Dib u eegista Distuurka waa arrin muhiima una baahan in distuurka loo qaabeeyo hab ku salaysan rabitaanka ummadda Soomaaliyeed kana tarjumaya habka Federaaliga ah ee ku salaysan in awooda maamulka dalka hoos laga soo dhiso distuurkana lagu qeexo sida hawlaha loo kala leeyahay, heer Dawlad Dhexe iyo heer Dawlad Goboleed. Sidaas darteed waxaa loo baahan yahay in dadka hogaaminaya heerka Dawlad Dhexe iyo heerka Dawlad Goboleedkaba ay yihiin dad sharciga aqoon u leh isla markaana aaminsan hirgelinta iyo ku dhaqanka habka Federaaliga ah. Khaasatan dhinaca Dawlad Goboleeyada waxaa looga baahan yahay in shakhsiga ama shakhsiyaadka hogaaminayaa noqdaan kuwa leh aqoon sharci waxna uga baxsan yihiin aqoonta lagu maareeyo distuurka.
     
     
    Intaan ka war hayno, Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil waa aqoonyahan dhinaca sharciga ah waana nin firfircoon balse siday u badan yihiin garyaqaanada adduunka waa nin u jaheeya sharciga meesha uu isagu markaas la rabo. Sidoo kale, waxaa la ogyahay Cabdiraxman Jibriil wuxuu ka mid yahay dadka lagu tiriyo in ay u arkaan in aan iyaga dani ugu jirin hab Federaali ah balse ku qanacsan habkii xudumaysnaa (centralized system) oo hal meel wax laga soo yeerin jiray iyada oo yeeriyuhu ka eegayo dantiisa gaarka ah.
     
     
    Dhinaca Puntland Cabdifataax Saciid Caynab oo fadhiya korsiga ka soo horjeeda Jibriil Xoosh ayna tahay in uu si cilmiyan ah wax ula jeexjeexo dhigiisa sidaan maqlay waa nin dhalinyara ah oo firfircoon laakiin maaha nin loolan aqooneed la samayn kara ninka kala doodaya geedi socodka distuurka dalku yeellanayo. Waxaana xusid mudan in firfircoonaanta shakhsiyeed iyo mawduuca sharci ku difaacida distuurka ay yihiin laba arrimood oo kala duwan.
     
     
    Shakhsiga saddexaad oo arrintaan saamayn weyn ku yeellan kara waa madaxweynaha Puntland Cabdiweli Mohamed Cali Gaas. Doorka madaxweynuhu waa xaqiijinta in sida distuurka loo meelmarinayaa noqoto sida dadka uu madaxweynaha u yahay ay ku qanacsan yihiin taas oo aan lagu duudsiyayn xaqa distuuriga ah ee reer Puntland waxna lagu yeelayn cid kale. Sidaas darteed, Madaxweynaha ayaa looga baahan yahay in uu diyaariyo koox aqoonyahaniin ah oo wasiirka distuurka Puntland ka taageera dhinaca sharciga si ay halkaas uga soo baxdo natiijo lagu wada qanci karo. Haddii taas la waayo daldaloolada soo baxa waxaa qaadaya masuuliyadeeda Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Mohamed Cali Gaas oo masuuliyad gaari ahi ka saaran tahay hirgelinta distuur shaqayn kara.
     
     
    Dhinaca kale, waxaa muhiima in laga fogaado go’aanada distuurka laga qaadanayo in aanay harayn ifafaalayaasha doorashada soo socota ee Puntland, sinaba, balse diirada la saaro wixii dan u ah hirgelinta distuur waari kara oo isu dheelitiran.
     
     
    Omar Mohamud Farah (Dhollawaa)
    MA in International Development
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.