Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dawladda maraykanka oo kasoo horjeesatay Qorshihii Amisom uga bixi lahayd soomaaliya .
    Somalia

    Dawladda maraykanka oo kasoo horjeesatay Qorshihii Amisom uga bixi lahayd soomaaliya .

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 12, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasaarada Arrimaha Dibedda Maraykanka ayaa sheegtay inaysan xilligan macquul ahayn inay AMISOM ka baxaan Somalia, waxayna ka digeen inay Kooxaha Xag-jirka wax u dhimi doonaan Mandiqadda Gobolka,
    Sarkaal ka tirsan Wasaarada Arrimaha Dibedda Maraykanka oo lagu magacaabo Wohleris Mariyoon ayaa u sheegay Wargeyska The EastAfrican ee ka soo baxa magaalladda Nairobi inaysan Dowladda Maraykanka rajeyn doonin inay wax Ciiddan AMISOM ka baxaan Somalia bisha soo socota ee December.

    Waxa uu carrabka ku dhuftay inay Dowladda Maraykanka diyaar u tahay inay Ciiddanka AMISOM siiyaan Taageero dhinacyadda Tababarka, Dhaqaalaha, Loojistikada iyo Taageeradda La-talinta, si loo dhiso Awoodda Ciiddanka Somalia ee ka garab shaqeeya kuwa AMISOM.
    “Annaga ma taageeri doono in hoos loo dhigo Heerkaasi xilligan, iyadoo la fahamsan yahay Walaaca Ammaanka ee sii socda” ayuu yiri Wohleris Mariyoon.

    Waxa uu intaasi ku daray inay Maraykanka taageerayaan Shuruudaha asaaska u ah Dhimista Ciiddanka AMISOM, taasi oo uu xusay inay ku xiran tahay Horumarinta Awoodda Khibradeed ee Ciiddanka Ammaanka Somalia.

    Golaha Ammaanka ee QM waxay bishii August ee sannadkan soo saareen Qaraarkii tirsigiisu ahaa 2373, kaasi oo lagu muujiyey in ay Dhismista Ciiddanka AMISOM bilaaban doonto dabayaaqada bisha December ee sannadkan 2017-ka.

    Taliska AMISOM waxay iyagana dhawaan sheegeen in bisha soo socota 1,000 Askari oo AMISOM ah laga daad-gureyn doono Somalia, iyadoo 1,000 kalena la daad-gureyn doono bisha May ee sannadka soo socda ee 2108-ka.

    Sidoo kale, Qeybta ugu dambeysa ee 21,000 Askari ee Ciiddanka AMISOM ka jooga Somalia waxaa laga daad-gureyn doonaa sannadka 2020-ka.

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    June 19, 2025

    Maxaa kasoo baxay Shirkii Xasan Shiikh Ee Xamar?

    June 19, 2025

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    June 17, 2025
    Latest Posts

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    Maxaa kasoo baxay Shirkii Xasan Shiikh Ee Xamar?

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Faallo:-Maxaa dhacaya hadii Maraykanku ku biiro dagaalka Iran?

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.