Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dekeda Bosaso Oo noqotay mida Ugu khidmad jaban guud ahaan Dekedaha Soomaaliya
    Somalia

    Dekeda Bosaso Oo noqotay mida Ugu khidmad jaban guud ahaan Dekedaha Soomaaliya

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 29, 2017No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Guud ahaan dalka Somaliya waxaa ku yaal afar dakadood oo si toos ah u shaqeeya.
     
    Dekedahaas ayaa kala shaqo badan waxaaana loo kala isticmaal badan yahay sidatan soo socota:-
     
    A.dekeda Muqdisho.
    B.Dekeda Berbera.
    C.Dekeda Bosaso.
    D.Dekeda kismaayo.
     
    Dekedahan qaybtood waxaa maamula shirkado gaar loo leeyahay oo shisheeya ah waxayna ukala maamulaan sida tan:-
     
    A.Dekeda Muqdisho Shirkad turkiga laga leeyahay.
    B.Dekeda Berbera shirkad imaaraadka laga leeyahay.
    C.Dekeda Bosaso shirkad Imaaraadka laga leeyahay.
     
    Hadaba Dekadda Bosaso ayaa ah mid dhawaan lagu wareejiyey maamulkeeda shirkadda P&O Ports Limited oo la mataaneysan shirkadda DP World ee dalka Imaaraadka carabta, waxaana saamigeeda 100% si gaar ah u leh Shiikh Maxaammed Bin Rashid Al Maktoum oo ah Shiikha Mandiqada Dubai. Kadib wareejintii dekadda Bosaso waxaa is bedalay maamulkii, waxaana muran xooggan ka dhex aloosmay ganacsatada qaarkood,wakiilada doonyaha iyo maamulka Puntland iyo shirkadda P&O oo dhinac ah,
     
    Muranka xoogiisa ayaa la xiriira khidmadda lagu kordhiyey alaabaha dekadda ka soo dega.
     
    Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Puntland,ayaa saxaafadda u soo bandhigtey in dekadda Bosaso ay tahay midda ugu khidmada yar guud ahaan Dekedaha dalka ka shaqeeya.
     
    Wasaarada ayaa ganacsatada qaarkeed dhaliil dusha uga tuurtay kuna tilmaantay manaxayaal danaystayaal ah oo aan shacabka uturayn iyo horumarka dalka.
     
    Wasaaradda dekadaha ayaa tusaale u soo qaadatey Raashinka daruuriga ah sida..
     
    Bariiska,Sonkorta,Burka in dekadda Bosaso looga dejiyo halkii ton (1000kg) khidmad dhan $0.8.
     
    Halka Dekeda Berbera looga dajiyo halkii tan(1000kg) $3.5,
     
    Dekadda Muqdisho looga dajiyo halkii tan (1000kg) $16.8,
     
    Wasaaradu waxay cadaysay in Ganacsatada Muqdisho iyo Berbera ay bixiyaan khidmadaas qaaliga ah, halka Ganacsatada Bosaaso qaarkood ay diidan yihiin khidmada yar ee Dekeda Bosaso.
     
    Wasaaraddu waxay sheegtey in kiraalayaasha doonyaha ay isbeddel ku sameeyeen lacagtii ay kirada uga qaadi jireen alaabaha ay soo qaadayaan waxaana ay tusaale u soo qaataday..
     
    Gaariga yar ee ka soo baxaya Dubai waxay ka qaadi jireen markii hore $100,balse hadda waxay ka qaadaan $150 iyaga oo ku andacoonaya in qiimaha khidmadda ee dekadda Bosaso kor loo qaadey, markii ay soo gaaraan xeebta Boosaaso aysan u dejin ganacsatadii alaabta lahayd oo ay taa badalkeedana abaabulaan mudaaharaadyo iyo kacdoon shacab.
     
     
    Shaxda qiimaha ay kiraalayaasha kordhiyeen ee Oman waa sida tan:-
     
    Gaadiidka ka yimaada waxaa halkii tan lagu daray 5 Dollar waxaana laga dhigay $27 halka uu ka ahaa 22Dollar. (kirada Doonyaha).
     
    Shaxda qiimaha kiraalayaasha Dubai ay kordhiyeen waa sida tan:-
     
    Baabuurka yar waxaa lagu daray kirada $100, Baabuurka Dhexe waxaa lagu daray $150. (Kirada Doonyaha)
    Shidaalka waxaa lagu daray 3 Dollar fuustadii, 1 Kartoon oo kasta waxaa lagu daray 1Dirham. (kirada Doonyaha ).
    DUBAI:- Halkii Kunteendhar waxaa lagu kordhiyey 700 Dirham. (Kirada Doonyaha).
     
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    August 24, 2025

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    August 24, 2025

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    August 24, 2025
    Latest Posts

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    Faallo:-Beesha Sool Bari oo markale siriq Siyaasadeed iyo Juquraafi isgelisay

    Faallo:-Puntland miyaa la diciifin karaa saamaynteeda Siyaasadeed?

    Xarunta Daaweynta iyo Dhaqida Kalyaha oo laga hirgeliyay isbitaalka Garowe

    Waxbadan ka ogow Dagalakii Shalay ka dhacay Godka Yucrin,Maragade iyo naf hurnimada ay muujiyeen CDPL

    Maraykanka oo si dadban ugu digay Xasan Shiikh

    CDPL iyo firxadkii argagixisada oo isku helay Toga Baallade

    Dhexdhexaadintii Kenya Ee Axmed iyo Xasan oo fashilantay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.