Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Deni “Gen. Cabdisamad wuxuu kamid ahaa haldooradii bud-dhigga u ahaa dhismihii Puntland”
    Somalia

    Deni “Gen. Cabdisamad wuxuu kamid ahaa haldooradii bud-dhigga u ahaa dhismihii Puntland”

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 20, 2021No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle ha u naxariistee Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Puntland Janaraal Cabdisamad Cali Shire, oo ku dhintay magaalada Muqdisho.

    “Waxaan tiiraanyada iyo xanuunka geerida Alle ha u naxariistee Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Dowladda Puntland Marxuum Cabdisamad Cali Shire la wadaagayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed, shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay.”

    “Marxuumku waxa uu ahaa Janaraal Soomaaliyeed oo kamid ahaa ciidanka xoogga dalka, waxa uu masuuliyado badan kasoo qabtay Dowladdii dhexe ee Kacaanka, burburkii kadib waxa uu ka mid ahaa haldooradii bud-dhigga u ahaa dhismihii Puntland, sanadihii 2009 -2014 waxa uu soo noqday Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, hadda oo tii Alle utimi waxa uu ka mid ahaa Guddiga Dib u Habaynta Ciidanka qalabka sida ee Dowladda Puntland.”

    “Waxaan Marxuum Janaraal Cabdisamad Cali Shire Alle uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, samir iyo iimaanna kasiiyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed, shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay.”

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maraykanka iyo Ingiriiska oo kaga hor yimid dhismaha New JL

    August 27, 2025

    Wefti sare oo Qaramada Midoobey ka socda oo gaaray Bosaso

    August 26, 2025

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    August 26, 2025
    Latest Posts

    Maraykanka iyo Ingiriiska oo kaga hor yimid dhismaha New JL

    Wefti sare oo Qaramada Midoobey ka socda oo gaaray Bosaso

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Calmiskaad

    Message from the Puntland Defence Forces Headquarters

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.