Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dhagayso:-Dowlada Somaliya oo lasoo degtay Hub sharcidaro ah
    Somalia

    Dhagayso:-Dowlada Somaliya oo lasoo degtay Hub sharcidaro ah

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 3, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Muran ayaa ka dhashay hub ay dawladda Soomaaliya 22-kii bishii aynu soo dhafanay kasoo dejisay garoonka diyaaraha ee Muqdisho. Hubkan ayaa ka kooban qoryaha AK47 oo la ii sheegay inay gaadhayaan 300 qori iyo bastoolado iyaguna gaadhaya 300, rasaas iyo qalab kale oo milatari.

    Warar xogogaal ah ayaa sheegaya in hubkan la geeyey kayd hub oo aan ahayn kii dawladda, isla markaana aysan keenistiisa ka wada warqabin laamaha dawladda.

    Dhinaca kale warar lagu kalsoon yahay ayaa VOA u sheegay in hubkan keenistiisa aan lagu wargelin Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sida uu dhigayo qaraarka cunqabataynta Soomaaliya.

    Waxaa kale oo suโ€™aali ka taagan tahay sharcinnimada hubkan oo la sheegay in laga qabtay badda cas ayna qabteen ciidamada xeebaha ee Jabuuti, waxaana la aaminsan yahay inuu u socday mucaaradka Xuutiyiinta ee ka dagaalama Yemen.

    VOA waxay la xidhiidhay wasaaradda arrimaha gudaha ee Jabuuti, wasaaradda amniga ee Soomaaliya, madaxa nabadsugidda gobolka Banaadir iyo xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha oo dhammaantood ay ii suurtogeli weyday inaan ku qanciyo inay ka hadlaan arrintan.

    Qaybta dambe ee barnaamijkan waxay ku saabsan tahay waraysiyo aan la yeelanay qaar ka mid ah askartii joogtay Jigjiga xilliga uu ddhacay dilkii ugu weynaa ee loo gaysto askar Soomaaliyeed sannadkii 1978.

    Warbixintan waxaa inoo diyaariyey soona jeedinaya Haaruun Macruuf.

     

     

    Halkan ka dhagayso codka

    https://www.idilnews.com/wp-content/uploads/2018/07/hub.mp3
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    October 25, 2025
    Latest Posts

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.