Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Dhakhtatiir ka socda Ururka Dhalinyarada Islaamka oo soo gaaray Puntland+VIDEO
    Puntland

    Dhakhtatiir ka socda Ururka Dhalinyarada Islaamka oo soo gaaray Puntland+VIDEO

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 16, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Koox dhaqaatiir ah oo ka socotay Dalka Sacuudi Carabiya ayaa maanta lagusoo dhoweeyay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland.

    Dhaqaatiirtaan oo si gaar ah uga socday urur ay ku midoobeen dhalinyarada Islaamka ee fadhigiisu yahay Sacuudiga, ayaa u yimid Puntland sidii ay howlo caafimaad oo bilaasha uga fulin lahaayeen Magaalooyinka Gaalkacyo, Garoowe iyo Boosaaso.

    Masuuliyiin katirsan Puntland oo ay kamid yihiin Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Cabdinaasir Yuusuf Xaaji Xirsi iyo Wasiiru-dowlaha Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Dr. Cabdulfataax Nuur Ashkir, ayaa magaalada Garowe kusoo dhoweeyay.

    https://www.facebook.com/PuntlandStateTV/videos/2327818764196922/

    Dhaqaatiirta oo isla maanta usii gudbay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, ayaa halkaas ka fulindoono Qalliinada casriga ee la yiraahdo Plastic Surgery iyo daawaynta cudurada guud.

    Dhanka kale, imaatinka Dhaqaatiirta ayaa dhinac socda qalab caafimaad oo ay u wadeen isbitaalka guud ee Gaalkacyo oo kasoo kabanaya dhibaatadii kasoo gaartay qaraxyadii ismiidaaminta ahaa ee Gaalkacyo ka dhacay 21-kii August ee sanadkii 2016.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    March 25, 2026

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    March 25, 2026

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.