Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dhalinyarada reer Puntland ( Mudane madaxweyne miyaa na iloowday)WQ: Mohamoud Sanyuubi
    Somalia

    Dhalinyarada reer Puntland ( Mudane madaxweyne miyaa na iloowday)WQ: Mohamoud Sanyuubi

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 9, 2017No Comments4 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dhalinyarada reer Puntland ( Mudane madaxweyne miyaa na iloowday)

    Mudane maxdaweyne aniga oo ogsoon howlaha faraha badan ee ku horyaala haddana waxaa rajeynayaa in aad wakhti yar aad siiso oo aad ku akhrisato fariintan.

    Mudane madaxweyne fariintan waa mid taabanaysa dhalinyarada reer Puntland ee aan haysan meelo ay ku qaataan wakhtiyada ay firaaqada leeyihiin sida ay sameeyaan dhalinyarada ku nool wadamada horumaray oo aad adigaba ka markhaati kacayso.

    Mudane madaxweyne waxaa ka warhaysaa in deegaanada Puntland aysan lahayn garoomo waaweyn oo lagu ciyaaro kubbadda cagta, tenniska iyo ciyaaraha kala duwan taasi oo ka dhigtay dhalinyaro badan in ay tahriibaan oo kuwa badan oo ka mid ahna ay ku dhintaan baddaha. Dib u eeg dhamaan magaalooyinka waaweyn ee Puntland Bossaso, Garowe, Qardho, Galkacyo Iyo Badhan midna malaha garoon kubbadeed oo uu goglan yahay cowska macmalka ahi, waxaa taasi u sii dheer kama helaan dhiiri galin wasaarada ciyaaraha waxaa ka wadaa dhiirigalin uma qabato wasaaradu wax tartamo ah oo xiiso galin kara dhalinayarada.

    Waxaa la yaab leh in Wasaaradii ciyaaraha ay noqotay mid aan lahayn wax hindise ah oo ku saabsan horumarinta garoomada kubbadda cagta iyo dhiiri galinta dhalinyarada. Waxaa u dambeeyay oo wasaaradu qabatay tartan ay ka soo qaybgaleen qaar ka mid kooxaha heerka koowaad ee puntland laakiin waxaa la yaab leh in tartankaa xitaa wasaaradu si sax ah u wadi weyday oo kooxo badan ay isaga baxeen kuna fashilantay dhamaystirka koobkaas.  Wasiirka wasaarada dhalinyarada, shaqada shaqaalaha iyo ciyaaraha Puntland mudane Cabdiraxmaan shiikh axmed cabdule iyo agaasimaha ciyaaraha Ahmed Tigaana waxa ay ku guuldaraysteen in ay keenaan qorshe lagu horumarinayo garoomada kubbadda cagta ee Puntland haba ugu horeeyaan kuwa ku yaala caasimada Garoowe iyo magaalada ganacsiga ah ee puntland Bosaso.  Labadaa masuul ee aan magacooda sheegay waxay ku dhici la’yihiin in ay soo sameeyaan qiimayn lagu ogaanayo dhaqaalaha ku baxaya garoomada balse waxaa arkaysaa iyaga oo taagan garoomo yar yar oo ay maalgashteen ganacsato reer Puntland waxaana ay u muuqdaan kuwo aan war ka hayn howshii loo igmaday.

    Garoonka Kubbdda cagta ee Muqdisho

     

    Dib u fiiri magaalada Muqdisho waxaa ka dhisan garoon goglan cawskiisi iyada oo la socono in muddo badan dagaalo ka socdeen, ku xeji Hargeysa oo dhisatay garoon cowskiisi u goglan yahay sidoo kale waxaa u dambeeyay Kismaayo oo hadda ka soo kabanaysa dagaaladii sokeeye.  Wax kaleba iskadaa waxaa garoon casri ah leh oo uu yaalo cawska macmalka ahi magaalooyinka Borame iyo Gabilay taasi waxa ay muujinaysaa in uusan jirin dhaqaale badan oo ku baxaya laakiinse ay u baahan yahay qorshe iyo maamul fiican. Wasaarada ciyaaraha Puntland waxaa u malaysaa in shaqadoodu tahay oo kaliya in Xamar loo safro shir yar laga soo qaybgalo laakiin ma dareensana howsha hortaala iyo sida ay u dayaceen dhalinyaradii Puntland.

    Garoonka kubbadda cagta Hargeysa

    Dhawaan waxaan magaalada Hargeysa kula kulmay qaar ka tirsan masuuliyiintii shirkada dhistay garoonka kubbada cagta ee Hargaysa waxayna ii sheegeen in ay ku baxday dhaqaale gaaraya 375 000 US-dollar (sadex boqol iyo todobaatan iyo shan kun oo dollar) waa qiime aad u yar marka loo eego waxtarka uu dhalinyarada u leeyahay sida in tartamo waaweyn lagu qabto iyo in dib loo soo nooleeyo dhismaha kooxaha heerka koowaan ee Puntland. Mudane Madaxweyne qiimahan kaliya waa maalgashi laakiin waxaa cadaan ah in hadhow qiimahaas iyo mid toban jibaar ka badan uu ka soo laabanyo daawadayaasha u soo daawasho tagaya garoonka taasi oo siinaysa wasaarada dakhli fiican.

    Garoonka kubbadda cagta Kismaayo

    Waxaa su’aashu tahay haddii masuuliyiintii wasaarada ay ka seexdeen shaqadoodii yaa buuxinaya booskoodi?

    Mudane madaxweyne aniga oo ka duulaya sidii sharafta lahayd ee aad ugu wareejisaya lacagta mashruuca garoonka  diyaaradaha Garoowe iyo wadada Ceeldaahir  in aad dhaqaale u qoondayso dhismaha garoomada kubbadda cagta ee Puntland waxay noqon doontaa taariikh ay kugu xasuustaan dhalinyarada reer Puntland ee aan maanta haysan meel ay ku ciyaaraan kubbada ama ugu daawasho tagaan.

    Taariikhdu waa is qortaa mudane madaxweyne codsigayga ha fududaysan waa baahida u weyn ee ay qabaan dhalinyarta aad madaxweynaha u tahay.

    Haddii shalay Xamar oo dagaalo ka socdeen ay leedahay Garoon kubbadda cagta ah oo macmal ah, Kismaayo oo alshabaab haysteen ay leedahay garoon ciyaraha ah haddii Boorame iyo Gabilay oo ah magaalooyin soo koraya ah ay leeyihiin maxaa u diidaya Puntland in ay dhisto garoomo noocaas oo kale ah lana soco dhamaan garoomadaas waxaa dhisay hay’ado dowladeed oo ah kuwa deegaanadaa ka taliya.

    Mudane madaxweyne dhalinyarada reer Puntland waxa ay ku leeyihiin miyaad na ilowday, madaxweyne wasaaradii aad noo samaysay waa na ilowday ee adigu il gooni ah u yeelo baahiyaha dhalinyarta.

    Waan ku kalsoonahaya mudane madaxweyne in aad wax kaqabanayso dhismaha garoomada kubbadda cagta aniga oo eegaya sida aad wax uga qabatay balanqaadkaagi aha horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

     

    Qoraaga: Mohamoud Sanyuubi

    sanyuubi@hotmail.com

    Bosaso Puntland Somalia

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalka Iran iyo Israa’iil

    June 15, 2025

    Diyaaradaha dagaalka Ciidamada PL oo laayay ku dhawaad 50- Argagixisada ka mid ah

    June 15, 2025

    Ninka Turkiga Ee la qabtay oo looga shakisan yahay…

    June 15, 2025
    Latest Posts

    Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Diyaaradaha dagaalka Ciidamada PL oo laayay ku dhawaad 50- Argagixisada ka mid ah

    Ninka Turkiga Ee la qabtay oo looga shakisan yahay…

    Shirkii Xasan Shiikh Ee astaysnaa Maanta oo fashilmay

    بيان صحفيصادر عن جماهير الدفاع والديمقراطية في بونتلاند

    War-saxaafadeed kasoo baxay Dhalinyarada Difaaca iyo Dimuqraadiyadda Puntland

    Nuxurka Khudbada Mw Deni ee furitaanka Kalfadhiga 56-Aad?

    Maxay kawada hadleen Puntland iyo Beesha Caalamka?

    Quwadaha caalamiga ah oo dhiirigelin usameeyay Ciidamada Difaaca Puntland

    Sarkaal muhiim ah oo laga qabtay kooxda Argagixisada Daacish

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.