Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dhammaadka muddo xileedka Barlamaanka Federaalka (BF) 10 2016-2020
    Somalia

    Dhammaadka muddo xileedka Barlamaanka Federaalka (BF) 10 2016-2020

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 28, 2020No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dhammaadka muddo xileedka Barlamaanka Federaalka (BF) 10 2016-2020

    Sida ku cad qodobka 60 ee dastuurka kmg, muddo xileedka BF waa 4 sano oo laga bilaabayo maalinta lagu dhawaaqo natiijada doorashada rasmiga ah oo ah maalinta dhammaan Xildhibannada guuleystay la dhaariyay. BF 10 ( 2016-2020 ) waxay dhammaatay maanta 27.12.2020.

    Sidaa darteed, ma jiraan xildhibaanno la doortay oo BF 11 ama 2021-2025 ah oo matalaya shacabka Soomaaliyeed.

    Waxaan shaki ama muran ku jirin in barlamaan la’aanta dhacday ay tahay guuldarro DF u soo jiiday shacabka Soomaaliyeed.

    Sharci iyo dhaqan dowladnimo dartood waxaa xaaladdaas ka dhalaneysa:

    1. Inaysan jirin xildhibanno matalaya shacabka Soomaaliyeed sida ku xusan qodobka 46 ee dastuurka kmg. Awoodda is xukunka waxay dib ugu noqotay shacabka Soomaaliyeed (4.5).
    2. Inay tahay xaaraan in Xildhibannada BF 10 ay yeeshaan kalfadhi, qabtaan hawl sharci dejin, isla markaana qaataan mushaar, gunno, iyo hanti qaran ka Xildhibaan ahaan.
    3. Inay kororsadaan waqti uu xaddiday dastuurka kmg waa dambi qaran. Mabda’ahaan sharcigu wuxuu diiday go’aan aan ku daneysaneyso ( conflict of interest).
    4. Inay tahay xadgudub, sharcidarro, in Xildhibannada yiraahdeen waxaan ahaaneynaa xildhibanno ilaa la soo doorto xildhibanno na beddela, taaso la mid ah eedeysane Maxkamadda looga yeeray 10 subaxnimo maalinta 27 Disember 2020 oo yiraahda ilaa uu ii yimaado askari I wada oo maxkamadda I geeya ma tagayo Maxkamadda. Ciidanka iyo Shaqaalaha BF waxaa saaran mas’uuliyadda ah ilaalinta sharciga iyo hantida qaranka, waana inay Xildhibannada muddo xileedkooda dhammaaday ka ilaaliyaan xafiisyada BF. Waxaa kaloo muhiim ah in Xeer ilaaliyaha qaranka, Hantidhowraha, Xoghayaha joogtada ee Wasaaradda Maaliyadda, Xisaabiyaha guud, iyo Guddoomiyaha Bankiga dhexe ka joojiyaan Xildhibannada BF 10 qaadashada hantida qaranka aysan xaqa u laheyn.
    5. In Garsoorka, shaqaalaha dowladda (civil servants), Ciidammada nabadgelyada sida booliska, asluubta, iyo Nabadsugidda, iyo hay’adaha xeer ilaalinta, Bankiga dhexe, iyo hantidhowraha guud ay ilaaliyaan dastuurka iyo sharciga iyo hab maamulka amarna aysan ka qaadan hay’ado sharciyadooda dhammaatay. Warbaahinta Dowladda waxaa laga rabaa inaysan faafin warar khilaafsan dastuurka kmg iyo sharciga si aan berri loogu eedeyn xadgudub.
    6. In Madaxweynaha iyo Golaha Wasiirrada aqoonsadaan in muddo xileedka BF 10 dhamnaday. Sidaa darted, ay xadgudub tahay inay ku dhaqaaqaan hawl khilaafsan dastuurka iyo sharciga, isla markaana ay joojiyaan inay ku hadlaan magaca shacabka Soomaaliyeed oo hay’addii mataleysay ka dhacay waqtigii.
    7. In Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ku ekaato fulinta shaqada caadiga ah, kuna dadaalo inuusan faraha la gelin shaqo ka baxsan xilka maamulka Gobolka Benadir oo xaddidan muddada dalka yahay barlamaan la’aan.
    8. In shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda, xisaabiyaha guud, Hantidhawraha guud, Bankiga dhexe ilaaliyaan fulinta sharciga Maamulka Maaliyadda dalka iyo miisaaniyadda.
    9. In Madaxweynayaasha DG degdeg u shiraan, kaddibna la tashadaan xoogagga siyaasadda dalka si loo fuliyo heshiiska doorashada dadban muddo kooban oo macquul.
    10. In beesha Caalamka taagerto Golaha DG, hay’adaha nabadgelyada, hay’adaha Maaliyadda, hay’adaha kaabayaasha dowladda, Garsoorka, Gobolka Benadir, iyo mucaaradka si dalka looga gudbiyo marxaladda qalalaasaha dastuuriga ah ee uu ku jiro.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Maxaa kala soconaa Colaada Sudan?

    October 31, 2025

    Faallo:-Colaada Sudan Puntland qayb kama ahan

    October 31, 2025

    Xog:-Yaa saaray cadaadiska uu ku aaday Jabuti Suldaan Siciid?

    October 29, 2025
    Latest Posts

    Rival Foreign Powers Accused of Fueling Propaganda War Targeting Puntland

    Faallo:-Maxaa kala soconaa Colaada Sudan?

    Faallo:-Colaada Sudan Puntland qayb kama ahan

    Xog:-Yaa saaray cadaadiska uu ku aaday Jabuti Suldaan Siciid?

    Faallo:-Loolankii PL iyo Carta rubuc qarni ka hor dhexmaray?

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Baallade Ee Buurta Calmiskaad

    Maalinta dalxiiska Puntland oo sanadkan lagu qabtay Xeebta Mareero

    Faallo:-Islaan Bashiir oo iska diiday casuumadii Geelle

    Xog:-Maxaa kasoo baxay kulankii Reer Mudug iyo Madaxweyne Deni

    Madaxweyne Deni oo kala diray Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Ee PL

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.