Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Dhismaha Wadada Garowe-Bosaso Oo la bilaabay saakay
    Somalia

    Video:-Dhismaha Wadada Garowe-Bosaso Oo la bilaabay saakay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 10, 2019Updated:November 10, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Puntland oo dhagax dhigay Mashruuca Dayactirka Wadada isku xirta Garoowe iyo Boosaaso.

    Sin-ujiif : 10 November:2019 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta dhagax dhigay Mashruuca Dayactirka Wadada isku xirta Garoowe-Boosaaso iyo Wadada Isku xirta Garoowe iyo Laascaanood oo ay waxyeelo kasoo gaartay Roobabkii dhowaan ka da’ay Puntland.

    Dayactirka Wadada Garoowe-Boosaaso iyo Garoowe-Laascaanood oo Madaxweynuhu ballan qaaday in Dowladdu ka shaqeynayso sidii dhakhso wax looga qaban lahaa, ayaa wakhtigii loo qorsheeyay maanta ka bilowmay deegaanka Sin-ujiif ee duleedka Garoowe.

    Mashruucan oo lagu dayactirayo Wadada isku xirta Garoowe-Boosaaso iyo tan kale ee isku xirta Garoowe iyo Laascaanood, waxaa uu ka koobanyahay dhowr weji oo kala ah in la dhiso dhammaan meelihii ay wadadu ka burburtay, kadibna loo gudbo in la dayactiro buundooyinka iyo meelaha kale ee u muuqda kuwo u dhow inay mustaqbalka dumaan, ujeedkuna waa in Wadooyinkaasi lagu soo celiyo sidii hore loogu dhisay ama si ku dhow.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa bogaadiyey Mashruucan iyo muhiimada uu u leeyahay Guud ahaan Puntland:


    “Runtii maanta waxay noo tahay farxad inuu billaabanayo Mashruuca Wadada (Boosaaso-Garoowe) iyo (Garoowe-Laascaanood) oo aan rajeynayno intii ka googo’day wadada in lagu sameynayo dayactir mug-weyn oo aan rajeynayno in ay wadada sidii si ku dhow ay kusoo noqoto. Waa mashaariicda halbowlaha u ah dhaqaalaha dalka, kaabayaasha ugu muhiimsana ah” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

    Kulanka waxaa ku weheliyey Madaxweyne Deni , Masuuliyiin ka tirsan labada Gole ee Dowladda Puntland, Maamulka Gobolka Nugaal iyo kan degmada Garoowe, Madax ka socota Shirkadda CCECC ee dalka China oo dhisaysa wadada, Masuuliyiinta Hayádda Wadooyinka Puntland, Ganacsato iyo bulshada deegaanka Sin-ujiif.

    Halkan hoose ka daawo muuqaalka

    https://www.facebook.com/plstatehouseofficial/videos/414029489289180/

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    October 27, 2025

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    October 26, 2025

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025
    Latest Posts

    𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.