Dhoofka Xoolaha nool ayaa si weyn uga socda Dekedda magaaladda Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.
Boqollaal Kun oo meerisyada kala duwan ee Xoolaha ayaa ka amba-baxay habeenadii lasoo dhaafay Dekedda Boosaaso, kuwaas oo loo iibgeeyay qaar kamid ah dalalka Khaliijka.
Xoolaha ugu badan ayaa loo dhoofiyay dalalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Cumaan iyo Yemen. Xoolaha loo iibgeeyo dalalka Carbeed ayaa kor u kaca inta lagu guda jiro u diyaargarowga Ciidul-Adxa.
Dekedda magaaladda Boosaaso ee Puntland ayaa kamid ah Dekeddaha sida weyn loogu dhoofiyo Xoolaha ay iibgeeyaan ganacsatada Soomaaliya.
IDILNEWS