Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dilkii Khaashuqii Oo dad loo xukumay
    Somalia

    Dilkii Khaashuqii Oo dad loo xukumay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 23, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Shan qof ayaa dil loogu xukumay dilkii weriye Jamal Khaashuqji, hase yeeshee labadii qof ee ugu sarreeyey dadkii loo baarayey dilkan ayaa dambi lagu waayey, waxaa sidaas Isniinta sheegay dacwad-oogaha guud ee Sacuudi Carabiya.

    Khaashuqji, oo wax ku qori jiray wargeyska Washington Post, ayaa waxaa la dilay bishii October ee 2018, ayada oo Riyadh ay dilkaas ku sheegtay howlgal ay fuliyeen “fallaago”.

    59 jirkaas, oo ahaa nin wax badan ka og boqortooyada balse markii dambe isu-rogay mid dhalleeceeya, ayaa waxaa qunsliyadda Sacuudiga ee Istanbul ku dhex-dilay 15 nin oo Sacuudiyaan ah, kuwaas oo kadibna jar-jaray meydkiisa, sida ay sheegeen saraakiisha Turkiga.

    Illaa iyo hadda lama helin haraadiga jirkiisa.

    “Waxaan ogaanay in dilka Khaashuqji uusan ahayn mid horey loo sii qorsheeyey” waxaa sidaas yiri ku-xigeenka dacwad-oogaha guud ee Sacuudiga, Shalaan al-Shalaan oo shir jaraa’id qabtay.

    Dacwad-oogayaasha Sacuudiga waxay sheegeen in ku-xigeenka madaxa sirdoonka Ahmed al-Assiri uu maamulayey kooxda dilka fulisay, islamarkaana uu sidaas kula-taliyey la-taliyaha warbaahinta boqortooyada Saud al-Qahtani.

    “Si kastaba, Qahtani ayaa baaritaan lagu sameeyey balse dacwado laguma soo oogin sababo la xiriira caddeymo ku filan oo loo waayey. Sidoo kale, Assiri ayaa la baaray laguna soo oogay dacwado, balse dambiga lagu waayey, kadib markii isna caddeymo lagu waayey” waxaa sidaas lagu yiri bayaan kasoo baxay dacwad-oogaha.

    Labadan nin ayaa ka mid ahaa dadka aadka ugu dhow dhaxal-sugaha boqortooyada Maxamed Bin Salmaan, waxaana shaqada laga eryey kadib dilka.

    Xigasho AFP

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Islaan Bashiir oo iska diiday casuumadii Geelle

    October 28, 2025

    Xog:-Maxaa kasoo baxay kulankii Reer Mudug iyo Madaxweyne Deni

    October 28, 2025

    Madaxweyne Deni oo kala diray Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Ee PL

    October 28, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Islaan Bashiir oo iska diiday casuumadii Geelle

    Xog:-Maxaa kasoo baxay kulankii Reer Mudug iyo Madaxweyne Deni

    Madaxweyne Deni oo kala diray Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Ee PL

    𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.