Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Dimuqraadiyada Puntland oo habacsanaanta laga saarayo
    Puntland

    Dimuqraadiyada Puntland oo habacsanaanta laga saarayo

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 24, 2024Updated:April 24, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garowe, April 24, 2024: Masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland oo uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Abdi Farah Juxa ayna Weheliyaan Wasiir Ku-xigeennadii Mudane Cabdiraxmaan Khaliif Faarax (Khaliifa), Wasiiru-Dowlaha Mudane Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo), Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Mohamed AIi Farah Farmayeri iyo Xoghayaha Wasaaradda Abshir Xasan Maxamed ayaa kulan la qaatay Xisbiyada Siyaasadda Puntland.

    Kulankaan oo ujeedkiisu ahaa is-waydaarsi iyo wadatashi la xiriira Arrimaha Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland, ayaa waxaa diiradda lagu saaray ka wada shaqaynta Doorashooyinka 3-Da Degmo ee Garowe, Godobjiraan iyo Dangarayo iyo dhamaystirka Fariisinta Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Dhiman ee kala ah Jariiban, Bursaalax, Murcanyo iyo Xumbays.

    Intii shirku socday waxaa la is dhaafsaday dood wax ku ool ah oo u dhaxaysay madaxdii kala duwanayd ee shirka ka soo qaybgashay, taas oo daaranayd muhiimadda ay leedahay in isku bog laga ahaado dhammaan Arrimaha hortabinta u leh Geedi-socodka Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland.

    Masuuliyiintii matalayey Xisbiyada Siyaasadda Puntland ee shirka ka soo qaybgalay ayaa soo jeediyey doorkooda ku aadan geedi socodka Dimuqraadiyeynta Puntland iyo meelaha u baahan in si guud looga wada shaqeeyo si loo yareeyo khilaafaadka iyada oo la dabakhayo casharadii laga bartay Doorashadii iyo Fariisinta 33-dii Degmo ee laga qabtay barnaamijka hal qof iyo hal Cod.

    Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa oo shirka soo xiray ayaa hoosta ka xariiqay soo jeedintii iyo taladii Xisbiyada Siyaasadda ee ku aadanaa geedi socodka dhamaystirka Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka Puntland, waxa uuna masuuliyiinta Xisbiyada kula dardarmaay in si wada jira looga wada shaqeeyo arrimaha Doorashooyinka si loo dhamaystitro himiladii iyo balantii lalagalay shacabka Reer Puntland.

    Xisbiyada Siyaasadda ee shirka ka soo qaybgalay ayaa kala ahaa Xisbiga Mustaqbal, Xisbiga Mideeye, Xisbiga Sincad, Xisbiga Runcad, Xisbiga Ifiye iyo Xisbiga Shaqaalaha.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    September 26, 2025

    Faallo:-Dabka uga shidmay Xamar Xasan halkee la aadi doonaa?

    September 26, 2025

    Wax badan ka ogow tagida Xasan Shiikh Ee Kismaayo

    September 26, 2025
    Latest Posts

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    Faallo:-Dabka uga shidmay Xamar Xasan halkee la aadi doonaa?

    Wax badan ka ogow tagida Xasan Shiikh Ee Kismaayo

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    Xasan Shiikh oo dabin siyaasadeed ugu dhacay Mucaaradka Xamar

    Jen.Qalyare oo Aas qaran loogu sameeyay Garowe

    Xog:-Maxaa kala socotaa mashruuca horumarinta Ee New Muqdisho?

    Xasan Shiikh oo baadigoob ugu jira isla sawirka Trump

    Markab sida 150-Kunteenar oo kusoo xirtay Bosaso

    Faallo:-Puntland oo Wayday Geesi Qaran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.