Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Dimuqraadiyada Puntland oo habacsanaanta laga saarayo
    Puntland

    Dimuqraadiyada Puntland oo habacsanaanta laga saarayo

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 24, 2024Updated:April 24, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garowe, April 24, 2024: Masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland oo uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Abdi Farah Juxa ayna Weheliyaan Wasiir Ku-xigeennadii Mudane Cabdiraxmaan Khaliif Faarax (Khaliifa), Wasiiru-Dowlaha Mudane Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo), Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Mohamed AIi Farah Farmayeri iyo Xoghayaha Wasaaradda Abshir Xasan Maxamed ayaa kulan la qaatay Xisbiyada Siyaasadda Puntland.

    Kulankaan oo ujeedkiisu ahaa is-waydaarsi iyo wadatashi la xiriira Arrimaha Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland, ayaa waxaa diiradda lagu saaray ka wada shaqaynta Doorashooyinka 3-Da Degmo ee Garowe, Godobjiraan iyo Dangarayo iyo dhamaystirka Fariisinta Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Dhiman ee kala ah Jariiban, Bursaalax, Murcanyo iyo Xumbays.

    Intii shirku socday waxaa la is dhaafsaday dood wax ku ool ah oo u dhaxaysay madaxdii kala duwanayd ee shirka ka soo qaybgashay, taas oo daaranayd muhiimadda ay leedahay in isku bog laga ahaado dhammaan Arrimaha hortabinta u leh Geedi-socodka Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland.

    Masuuliyiintii matalayey Xisbiyada Siyaasadda Puntland ee shirka ka soo qaybgalay ayaa soo jeediyey doorkooda ku aadan geedi socodka Dimuqraadiyeynta Puntland iyo meelaha u baahan in si guud looga wada shaqeeyo si loo yareeyo khilaafaadka iyada oo la dabakhayo casharadii laga bartay Doorashadii iyo Fariisinta 33-dii Degmo ee laga qabtay barnaamijka hal qof iyo hal Cod.

    Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa oo shirka soo xiray ayaa hoosta ka xariiqay soo jeedintii iyo taladii Xisbiyada Siyaasadda ee ku aadanaa geedi socodka dhamaystirka Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka Puntland, waxa uuna masuuliyiinta Xisbiyada kula dardarmaay in si wada jira looga wada shaqeeyo arrimaha Doorashooyinka si loo dhamaystitro himiladii iyo balantii lalagalay shacabka Reer Puntland.

    Xisbiyada Siyaasadda ee shirka ka soo qaybgalay ayaa kala ahaa Xisbiga Mustaqbal, Xisbiga Mideeye, Xisbiga Sincad, Xisbiga Runcad, Xisbiga Ifiye iyo Xisbiga Shaqaalaha.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Deni Oo lagu amaanay maaraynta Caana shubka Ugaaska Tanade

    February 8, 2026

    Hanbalyo Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali-geesood.

    February 8, 2026

    Safiirka Talyaaniga Ee Somaliya oo soo gaaray Puntland

    February 8, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Deni Oo lagu amaanay maaraynta Caana shubka Ugaaska Tanade

    Hanbalyo Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali-geesood.

    Safiirka Talyaaniga Ee Somaliya oo soo gaaray Puntland

    Madaxweyne Deni oo ka qaybgalay Caano shubka Ugaaska Tanade

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.