Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Diyaaradaha dagaalka Maraykanka oo ku dhawaaday Xeebaha bari ee Kuuriyada Waqooyi
    Somalia

    Diyaaradaha dagaalka Maraykanka oo ku dhawaaday Xeebaha bari ee Kuuriyada Waqooyi

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 24, 2017Updated:September 24, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Habeenkii xalay ahaa ayaa Diyaaradaha dagaalka ee bamka xambaara ee uu leeyahay Maraykanku waxay dulmareen meel u dhow Xeebaha Bari ee Dalka Waqooyiga Kuuriya oo Caalamka indhaha uu ku hayo,waxaana arrintani lagu sheegay in ay muujinayso mid madaxweyne Trump uu ku kala dooran karo tlaabooyinka dhanka dagaalka ah haddii uu u arka khatar kaga timaada Kuuriyada Pyongyang .
     
    Wasaaradda Difaaca Xukuumadda Washington ayaa Tallaabadan ku tilmaamtay inay ahayd dhoolatus ay ku muujinaysay ilaa heerka ay gaarsiisan tahay awoodda Maraykanka iyo go’aamada uu qaadan karo madaxweynaha Mareykanka Donal Jey Trump oo ku eedeeyay Waqooyiga Kuuriya in ay khatar ku tahay aminga Caalamka.
     
    Diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka ayaa gaaray halkii ugu fogayd ee dhinaca Kuuriyada Waqooyi abid tan iyo bilawgii qarniga 21aad.
     
    Dhinaca kale kalena, Kuuriyada Waqooyi ayaa arintasi ka hadashey Wasiirka arrimaha dibadda ee Kuuriyada Waqooyi Ri Yong Ho oo ka hadlay fadhiga loo dhanyahay ee qaramada midoobay ayaa aflagaado iyo cambaarayn u jeediyay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.
     
    Ri Yong Ho ayaa khudbadiisa ku sheegay inuu jawaab cad siinayo madaxweynaha Maraykanka oo uu ku tilmaamay inuu yahay qof dhinaca maskaxda ka xanuunsanaya oo isla weyn.
     
    Wasiirka arrimaha dibadda ee Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegay in haddii ay dhintaan dad rayid ah oo maraykanka ah ina arrintaasi uu mas’uuliyadeeda yeelan doono madaxweyne Trump oo hore ugu hanjabay kuuriyada waqooyi inuu burburin doono.
     
    Kuuriyada Waqooyi ayaaa sheegaty in 8-dii bilood ee uu Trump talada hayay uu aqalkii cad buuq iyo sawaxan ka dhaliyay, isla markaana uu doonayo inuu golaha Qaramada Midoobay ka dhigo mid u dhaqmaysa sidii maafiyada oo lacag iyo dhagar laga shaqeeyo sidaasina waxaa yiri Wasiirka arrimaha dibaddaa ee Waqooyiga Kuuriya.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    August 18, 2025

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    August 18, 2025

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    August 18, 2025
    Latest Posts

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    Ciidamada Difaaca Puntland oo sardar leh uwada Wajiga Afraad

    Yaa umaalgelinaya Itoobiya garoonka diyaaradaha cusub?

    Puntland oo soo saartay Boolis Tayo iyo Tiro sareeya

    Kulankii Taariikhiga ahaa Ee Trump iyo Putin oo bilowday

    Maraykanku miyuu aqoonsanayaa Somaliland?

    Ciidamada Difaaca Puntland oo horumar ka sameeyay Gacanmarinta Godadka

    Kulan Taariikhiya oo dhexmaraya Trump iyo Putin

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.