Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Diyaaradaha kenya oo xalay garaacay Fariisimo Alshabaab oo ku yaal Gobolka Gedo
    Somalia

    Diyaaradaha kenya oo xalay garaacay Fariisimo Alshabaab oo ku yaal Gobolka Gedo

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 12, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Maamulka Gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya, ayaa sheegay in xalay diyaarado dagaal ay duqeeyeen deegaanno hoos-yimaada degmadda Beled-Xaawo.
     
    Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Gedo Maxamed Xuseen Al-qaadi, oo warbaahinta u warramay ayaa sheegay in deegaannada la duqeeyay ay kamid yihiin Qabar-sheeq iyo Bur-sagaar, sida uu hadalka u dhigay.
     
    Md. Al-qaadi, ayaa sidoo kale sheegay in khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac lagu gaarsiiyay dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab, loogana gubay ila Saddex gaari oo ay lahaayeen.
     
    “Diyaaraddaha duqeynta fuliyay ayaa waxaa laga leeyahay dowladdaha aan deriska nahay, dib ayaan ka faah faahin doonaa khasaaraha rasmiga ah.” Ayuu yiri Guddoomiye Al-qaadi.
     
    Ugu yaraan 16 qof ayaa ku dhintay ilaa toban kalena way ku dhaawacmeen weerar Al-Shabab ay shalay ku qaadeen magaalladda Beled Xaawo.
     
    Dadka magaalladda ayaa sheegay in Al-Shabab ay magaalladda soo weerareen salaaddii subax, iyagoo laba dhinac kasoo weeraray.
     
    Kooxda Al-Shababa ayaa weerar ku qaaday saldhig milatari oo ku yaalla dulleedka magaalladda, halkaasi oo ay la beegsadeen weerarro iskugu jira qaraxyo iyo weerar ciidan.
     
    Sidoo kale waxaa ay weerareen saldhigga booliiska iyo xarunat degmada, waxaana la sheegayaa inay ugu yaraan laba qof toogteen.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    October 21, 2025

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    October 21, 2025

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    October 21, 2025
    Latest Posts

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Xuutiyiinta Yemen oo weeraray Markab ku wajahan Dekeda Jabuti

    Maxay kala yihiin kaydadka dabiiciga ah Ee PL ka samayn karto dhaqaale xoog badan?

    Maxay ahaayeen Qodobadii looga wada hadlay kulankii Itoobiya iyo SL?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.