Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Doorashadii Aqalka-hoose oo umuuqata in ay dhaqaaqday
    Somalia

    Doorashadii Aqalka-hoose oo umuuqata in ay dhaqaaqday

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 16, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowlad Goboleedyada Soomaaliya,ayaa billaabay dedejinta doorashada Golaha Shacabka ayaga oo shaaciyey kuraas badan oo ay doorashadoodu qaban doonaan dhowaan.

    Puntland,ayaa maanta ku dhawaaqday qabashada doorashada 10-ka mid ah Kuraasta Golaha Shacabka 10-ka maalmood ee soo socda.

    Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Puntland ayaa sheegay in shan ka mid ah kuraasta doorashadooda la qaban doono 22-ka Janaayo 2022, halka shan kale la qaban doono 25-ka Janaayo. Waa kuraastii ugu horreysay ee Golaha Shacabka ee baarlamanka 11-aad oo doorashadooda lagu qabanayo Puntland.

    Sidoo kale,Guddiga doorashada HirShabeelle,ayaa soo saraay liiska 11-kursi oo doorashadoodu ay ku qaban doonaan magaalada Jowhar.

    11-ka kursi,ayaa ka mid ah 13-kursi oo la qorsheeyey in doorashadoodu ay ka dhacdo Jowhar.

    HirShabeelle weli ma shaacin jadwalka doorashada kuraastan.

    Maalin kahor ayey aheyd markii Guddiga doorashada Galmudug uu isna soo saaray Liiska 21-kursi oo doorashadooda la qabanayo dhawaan.

    Golaha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya, oo ay ku mideysan yihiin ra’iisul wasaare Maxamed Xuseyn Rooble iyo Madaxda dowlad goboleedyada,ayaa shirkii ay Muqdisho kusoo xireen 9-kii Janaayo waxay isku raaceen in doorashada Golaha Shacabka lasoo geba-gebeeyo ka hor 25-ka bisha Febraayo 2022.

    Dowladda Mareykanka ayaa ka digtay in haddii aan doorashada Golaha Shacabka lagu dhameyn waqtigaas ay xayiraado la beegsan karto kuwa carqaladda ku ah socoshada doorashada.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.