Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dowlada Abiy Ee Adis-ababa oo shuruud la’aan aqbashay hor fariisiga Tigreega
    Somalia

    Dowlada Abiy Ee Adis-ababa oo shuruud la’aan aqbashay hor fariisiga Tigreega

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 5, 2022Updated:October 5, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay si shuruud la’aan ah ku aqbashay dhex-dhexaadinta Midowga Afrika ee Itoobiya iyo TPLF, sida uu shaaciyay la-taliyaha Amniga Qaranka Redwan Hussein.

    “Dowladda Itoobiya waxay aqbashay martiqaadkan wadahadallada nabadda kaas oo waafaqsan mawqifkayaga mabda’a ah ee ku saabsan in si nabad ah lagu xalliyo khilaafka iyo baahida loo qabo wadahadal aan shuruudo ku xirneyn” ayuu kusoo Redwan Hussien kusoo qoray bartiisa Twitterka.

    Midowga Afrika ayaa ugu baaqay dowladda Itoobiya iyo xoogaga Tigreega ee iska soo horjeeda inay wadahadal nabadeed ku yeeshaan waddanka Koonfur Afrika dhammaadka toddobaadkan, kaas ujeeddadu tahay in lagu soo afjaro colaadda laba sano jirsatay, sida lagu sheegay warqad ay aragtay wakaaladda wararka ee Reuters.

    Saddex ilo diblomaasiyadeed oo diiday in magacooda la shaaciyo ayaa xaqiijiyay jiritaanka warqadda 1-dii Oktoobar, oo uu u qoray Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki oo ku socotay Departition Gebremichael, oo hoggaamiya siyaasadeed ee Tigray.

    Dowladda Itoobiya iyo madaxda gobolka Tigrayga ee waqooyiga dalkaasi ayaa labaduba sheegay inay diyaar u yihiin ka qeyb galka wadahadallada uu dhexdhexaadinayo Midowga Afrika, si loo soo afjaro dagaallada ay ku dhinteen kumannaan qof oo rayid ah.

    Balse ma jiraan wax wadahadal ah oo rasmi ah oo dhacay, intii lagu guda jiray xabbad-joojin shan bilood ah oo socotay intii u dhaxaysay March iyo Ogosto, iyada oo markaas kaddibna uu dagaal xooggani dib uga bilaabmay guud ahaan goboblka Tigrayga.

    Warqadda ayaa lagu sheegay in Olusegun Obasanjo oo ah wakiilka Midowga Afrika ee Geeska Afrika uu hoggaamin doono wada xaajoodka isagoo taageero ka helaya madaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta iyo madaxweyne ku xigeenkii hore ee Koonfur Afrika Phumzile Mlambo-Ngcuka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    December 20, 2025

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    December 19, 2025

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    December 17, 2025
    Latest Posts

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    African Development Fund approves $23 million to boost clean energy access in Bosaso, Somalia

    Maxaa looga xaajoonayaa kulanka Kismaayo?

    Madaxweyne Deni iyo wefti uu hogaaminayo oo gaaray Kismaayo

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.