Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dowlada Abiy oo cadaysay mowqifkeeda wada xaajoodka Tigreega
    Somalia

    Dowlada Abiy oo cadaysay mowqifkeeda wada xaajoodka Tigreega

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 28, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Sarkaal sare oo ka tirsan xukuumadda dalka Ethiopia ayaa sheegay in dawladdiisu ay diyaar u tahay inay wadahadal la gasho jabhadda Tigrayga “wakhti kasta iyo meel kasta oo ay ahaatoba”, iyada oo aan wax shuruud ah lagu xidhaynin wadahadalkaas, arrintan oo ah tallaabo hore loo qaaday.

    Ridwaan Xuseyn oo ah la taliyaha dhanka amniga ee Ra’iisal Wasaare Abey Ahmed ayaa hadalkan ku soo qoray bartiisa Twitterka ka dib markii uu la kulmay ergo ka kala socota Qaramada Midoobay, Maraykanka iyo Midawga Yurub, waxaana la rajaynayaa in tallaabadani ay horseeddo in wadahadal lagu xalliyo colaadda wakhtiga dheer soo socotay ee u dhexeysa ciidamada dalka Ethiopia iyo xoogagga Tigreega.

    Sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Associated Press, Ambassador Ridwaan ayaa sheegay in ururka Midawga Afrika uu hoggaamin doono geeddi socodka, isaga oo codsan kara wixii taageero ah ee uu u baahdo.

    Bishii June ayaa lagu dhawaaqay xabbad-joojin si fursad loo siiyo in gargaarka la gaadhsiiyo dadka baahan ee muddada dheer ku go’doonsanaa gobolka Tigreega, waxaana labada dhinac ay ku heshiiyeen inay wadahadal rasmi ah yeeshaan si loo soo afrajo colaadda ka dhex aloosan.

    Dawladda Federaalka Ethiopia ayaa markaas ka dib magcawday toddoba xubnood oo dhinaceeda ku metela wadahadalada, oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Debedda hase ahaatee madaxda Tigreega ayaa soo bandhigay shuruudo hordhac ah oo ay tahay in la meel-mariyo ka hor inta aan si rasmi ah la isu horfadhiisan.

    Talaadadii aan soo dhaafnay, Madaxweynaha Tigreega Debretsion Gebremichael ayaa sheegay in “haddii dawladda federaalka ay dhab ka tahay in wadahadal lagu soo afjaro colaadda, inay dib dib u bilaabi lahayd adeegyadii aasaasiga ahaa ee gobolkaas” isaga oo tixraacaya dhibaatada ka jirta gobolkaas gaar ahaan dhinaca bangiyada, korontada iyo isgaadhsiinta.

    Associated Press

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.