Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dowlada Fadaraalka oo Dacwad laga geeyay Qaramada Midoobey
    Somalia

    Dowlada Fadaraalka oo Dacwad laga geeyay Qaramada Midoobey

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 25, 2019Updated:October 25, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Warbixinta guddiga khubarada kooxda dabagalka QM ee Soomaaliya (UN Monitoring Group) ayaa si rasmi ah shaaca uga qaaday in dowladda Soomaaliya ay musuq-maasuqday doorashadii madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

    Warbixinta guddiga oo loo gudbiyey Golaha,ayaa sheegtay in xukuumadda Soomaaliya ay laaluushtay xildhibaanada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, si ay u doortaan musharaxii ay wadatay [Cabdicasiis Lafta-gareen].

    “Xubnaha baarlamanka ayaa helay lacag u dhaxeysay 20 illaa 30 kun oo dollar midkiiba, si ay ugu codeeyaan musharaxa dowladda ay dooneysay” ayey tiri warbixinta.

    82 ka mid ah xildhibaanada Koonfur Galbeed ayay warbixinta sheegtay in bishii November 2018 la geeyey magaalada Muqdisho, oo midkiiba la siiyey 5,000 oo dollar oo hormaris ah, ayada oo loo ballan-qaaday lacag 20 ilaa 30 kun ah marka ay doortaan musharaxa dowladda ee Lafta-gareen.

    Guddiga khubarada ayaa sheegay in sidoo kale la hayo caddeymo muujinaya in sarkaal maaliyadeed oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, uu lacag boqolaal kun oo dollar ah ku wareejiyey wasiir ka tirsanaa Koonfur Galbeed, si xildhibaannada loogu qeybiyo.

    Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in 15 qof oo shacab ah lagu dilay magaalada Baydhaba, kadib markii dowladda federaalka ay xirtay musharax Mukhtaar Roobow, taasi oo dhalisay rabasho.

    Dilalkaasi ayay warbixinta sheegtay inay fuliyeen ciidamada dowladda federaalka ah iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    June 24, 2025

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    June 23, 2025

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    June 23, 2025
    Latest Posts

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    What we know about Iran’s attack on US base in Qatar

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.